Home / Caafimaad / Saameynta Covid-19 uu Dadkeenna ku reebayo!

Saameynta Covid-19 uu Dadkeenna ku reebayo!

Himilo – Covid-19 wuxuu noqday aafada qarniga 21aad ee dunida gaarsiiyay qasaaro ba’an oo ay ugu weyn tahay dhimashada in ka badan 2 milyan iyo bar, marka loo eego warbixinnada isasoo taraya ee sida maalinlaha ah looga soo weriyo Hey’dda Caafimaadka Dunida ee WHO.

Taniyo markii uu dunida kusoo biiray, wuxuu ku dhacay dad ku dhow 120 milyan oo qof. Nasiib wanaag kala bar iyo dheeraad ayaa ka bogsatay waxaana ay dib ula qabsadeen nolosha caadiga ah karantiil kaddib.

Balse saameynta uu Covid-19 la yimid looma wada sinna ee waa loo kala dhow yahay. Waxaana jira waddama safka hore uga jira marka ay timaado sida uu u halakeeyey. Maraykanka ayaa soo galaya kaalinta koowaad halkaas oo 29 milyan oo uu ku dhacay ay u dhinteen nus malyuun dad ah. Ilaa hadda majirto tirakoob rasmi ah oo Maraykanku kasoo saaray tirade dadka ka bogsaday xanuunka.

Dalka Brazil ayaa soo galaya kaalinta labaad halkaas oo 70 qofood ay saacad kasta u dhintaan xanuunka Corona. Taniyo markii uu dalkaas ka dillaacay, ku dhawaad 11 milyan iyo bar ayuu soo ritay. Waxaana si  buuxda uga soo kabsaday 10  milyan iyo dheeraad.

Dalalka, Hindiya, Ruushka iyo UK ayaa ciriirsanaya kaalmaha kusoo xiga.

Somaaliya oo aan kaliya kamid ahayn dunida saddexaad balse ku jirta liiska dalalka ugu saboolnimada iyo musuqa badan caalamka, wuxuu cudurkani u yeelay weji cusub kaas oo gebi ahaanba beddelay nidaamkii dhaqan-dhaqaale  ee waddanka oo awalba ku jiray soo kabasho.

Dalka oo gu’yaal badan aan helin nidaam sharci oo sal-adag iyo adeegyada caafimaad ee dowliga ah, waxay fududeysay inuusan kaliya cudurku galaafan nolosha dad badan, waxaa kale oo uu kordhiyay tirada dadka uu soo ridanayo kuwaas oo diyaar u ahayn inay raacaan talooyinka caafimaad ee dowiga ah iyo kuwa dhaqaatiirta.

Marka loo eego tirakoobta wasaaradda caafimaadka, taniyo markii Covid-19 uu dalka ka dhashay, tiro ku dhow 9,000 oo ruux ayuu soo ritay. Waxaana ka bogsaday in ku dhow 5,000 oo qof. Halka ay iilka u galeen tiro lagu qiyaasi karo 400 oo qof ku dhawaad. Tirooyinkaasi waxay nasiib-darro isu soo tarayaan maalinle taas oo ka dhigan in xanuunku uu wali ku jiro xaalad u baahan la tacaalid iyo xakameyn.

Waxay qaadanaysaa ka go’naansho bulsho iyo dadaal dowli ah in looga hortago faafitaanka cudurkan kaas oo ka halis iyo qatar badan sida laga filan karo. Waana mas’uuliyadda qofnimo midda ugu horreysa oo lagu hubsan karo in cudurkani aanu ku fidin bulshada inteeda kale.

Sidaas darteed, xirashada afsaabka, ku meyrashada jeermi-dilaha iyo ilaalinta habka kala fogaanshaha waa mid qof kasta uu karaankiisa isku taagi karo si uu naftiisa iyo dadweynaha la nool uga ilaaliyo inaysan ku saamoobin xilkas darradiisa.

Waxaa kale oo muhiim in lagu baraarugsanaado musiibooyinka iyo aafada dunida taal inaan cidna gaar loogu qorin oo ay qasab tahay in loo diyaargaroobo lagana hortago. Fahamka ah in xanuunkani aanu qolo gaar ah kusoo degin oo qaddarta Eebe qofkii uu qoro – Gaal iyo Muslim – inuu ku dhimanayo waxay marwalba qeyb ka qaadan doontaa xakameyntiisa.

Haddiise aan dhab looga fal-celin musiibadan, waxay sii galaafan doonta nolosha xubnaha qoysaskeenna xilli aan awoodi karnay inay badbaadaan.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan