Home / Macluumaad / Saameynta Maandooriyuhu ku hayo Nolosha Jiilka Maanta.

Saameynta Maandooriyuhu ku hayo Nolosha Jiilka Maanta.

Muqdisho – Maandooriyuhu kaliya ma saameynayo shaqsiyadda, hayeeshe wuxuu sidoo kale raadeyn karaa qoysaska, shaqooyinka, caafimaadka qofka, habka daryeelka caafimaadka, bulshada deegaanka iyo mujtamaca guud ahaan.

Adeegsiga qaldan ee aalkolada iyo isticmaalka dawooyinka aan kusoo bixin talada dhaqtarka waxay araxda jebisaa bulshada oo natiijada ka ratibanta ay kamid tahay wax soo saarka shaqada oo hoos-u-dhaca, qarashka daryeelka caafimaadka oo sare u kordha.

Waxaa jira tijaabooyin badan oo lagu ogaaday saameynta aan la mahdin oo laga dhaxlo isticmaalka iyo la qabsiga maandooriyaha. Waa wax iska caadi ah marka Bisaddu ay aragto ama uriso Jiirka inay daba-gasho oo ay cunto. Hayeeshe muuqaal fiidiyow ah oo laga sameeyey Bisad la saqraamiyay iyo Jiir oo iskula xiray dhalo – kadibna Bisaddii ay bilowday inay ka cararto Jiirka. Mar kasta oo Doolligu kusoo dhawaado, waxay kaga boodaysaa geesta kale si ay uga baxsato.

Tallaabadaas waxay muujisay in qofka caadiga haddii uu joogteeyo isticmaalka Maandooriyaha in hareerihiisa waxa ku sugan oo dhami ay ku beerayaan cabsi iyo deganaan la’aan.

Mushkiladda isticmaalka maandooriyaha wuxuu noqday mid dunida kaga xira mowduucyada hore ee dhibaatooyinka gunta hoose ka heysta bulshooyinka. Maandooriyaal badan oo halis ku ah caafimaadka qofka iyo nagaadiga mujtamaca ayaa si joogto ah looga isticmaalka qaaradda Yurub.

Marka loo eego warbixin ay soo saartay Guddiga Caalamiga ee QM u qaabilsan Xakamaynta Maandooriyaha sanadkii 2009-ka, dadka daroogada isticmaala waxay u dhaxaysay 172 milyan ilaa 250 milyan dunida oo dhan.

Warbixintu waxay sii sheegtay in dad ka badan 30 milyan oo boqolkiiba 10% ka ah dadweynaha Midowga Yurub iyo Norwey ku nool ay joogto u isticmaalaan maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan. Badi isticmaalayaasha maandooriyaha waxay doorbidaan maandooriyaha la yiraahdo Marijuana. Tiro lagu sheegay 74 milyan oo Yurub ku nool ayaa hal mar ka isticmaalay Xashiishka iyo Marijuanada. Halkna 13 milyan oo kale ay iyaguna hal mar ka isticmaaleen Kokainta oo ah maandooriye sida Heroine-ta u halis badan.

Yurub maanta waxay maraysaa in lacag walba oo aad uriso ama la mariyo scan in laga dhex heli karo muqaadaraad. Tanina waxay muujinaysaa sida mowduucan ugu dhex baahsan yihiin qaaradda oo dhan.

Isticmaalka Maandooriyaha waxaa keeni kara sababo badan oo qofka kaga yimaada isla deegaanka uu ku dhex nool yahay. Sababaha seykoloji ahaaneed ee qofku ku qaadi kara isticmaalka waxaa kamid ah: xanuun dhinaca maskaxda ah sida walaaca iyo walbahaarka: karti la’aanta uu qofku awoodi waayo inuu xiriir la yeesho inta kale – ama uu saaxiibo sameysto: ban-dhig hooseeya ama xun oo uu ka sameeyo tacliinta iyo goobtiisa shaqada.

Marka uu qofku doonayo inuu culeyska soo foodsaaray kaga bogsado isticmaalka maandooriye, wuxuusan ogeyn culeyska xaggeeda uga soo biira inay wax badan oo noloshiisa kamid ah ka halleyn doonto. La-qabsigeedu wuxuu hadiyo gooraale ku taagnaanayaa maskaxda qofka taas oo u diidaysa inuu ka xaroobo ama kaga qaalib noqdo la-qabsiga shey kale. sidaas darteed, dad badan ayaa maanta addoomo u ah maandooriyaha. Waxayna u isticmaalaan inay waaqica isku hilmaansiiyaan. Waayo waxay awoodi la’yihiin inay qaabilaan xaqiiqda muuqata ee nolosha.

Bulshadu marka ay arkayaan dadka maandooriyuhu daashaday, waxay moodayaan inaysan wax xiriir ah la lahayn. Balse waa qadiyad bulsho oo aad u weyn. Haddii qeyb walba oo xirfadleyda kamid ah uu maandooriyaha isticmaalo, waxay saameyn ku leedahay nolosha mujtamaca. Kawaran marka macalinka iskuulka, darawalka baabuurta, duuliyaha diyaaradeed, dhaqtarka, fuundiga dhismaha iyo kuwa la halmaama laguu sheego inay isticmaalaan maandooriye, sidee noqonaysaa kalsoonida aad ku qabi karto shaqadooda? Suura-gal ma tahay inaad raacdo diyaarad duuliyaheedu uu maandooriyaha isticmaalo: ama lagu yiraahdo dhaqtarka qalliinka kugu sameynaya wuxuu isticmaalayaa maandooriye?! Danbcan maya!

Sidaas darteed, qalalka ku yimaada qofka adeegsada maandooriyaha, dhibta ka ratibmata waxay qeyb weyn kasoo gaaraysaa bulshada uu ku dhex nool yahay.

Mushkiladda ballaaran oo Galbeedku ka dhaxleen isticmaalka daroogada – in kasta oo caal la’yahay – haddana qeyla-dhaanta ka timaada geyfanayaashooda arrimaha bulshada ku xeel-dheer waxay bixinayaan xuluul aan u muuqan in la dhaqan-gelin karo. Dhaqtar Jarmal u dhashay ayaa wuxuu dowladdiisa ku yiri: “Albaabada iskugu laaba baararka khamriga iyo maandooriyaha, waxaan idin damaanad qaadayaa in kala bar dhibaatada heysata Jarmalka ay dhamaanayso: kaliya xira baararka.”

Senator kamid ah Maraykanka ayaa isna wuxuu leeyahay: “Waxaan gaarnay dayaxa dushiisa, laakiin lugaheennu waxay dhiiqada kula jiraan dhulka. Waa mushkilad xaqiiqadeeda leh marka aan ognahay in Maraykanka ay ku nool yihiin 11 milyan oo khamriga ku nool: halka 44 milyan oo kale ay cabaan.”

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan