Home / Arrimaha Bulshada / Saameynta nololeed ee ka dhalatay xaalufinta degaanka

Saameynta nololeed ee ka dhalatay xaalufinta degaanka

Himilo – Dhuxusha oo loo yaqaano dahabka madow, waa dilla marna waa badbaadiso, waa mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu aadamuhu daah rogo.

Wax soo saarkeeda soomaaliya waa dhaqan qarniyaal soo jiray oo la qabatimay, waxaa loo dhooofiyaa dalal badigood dhaca gacanka carbeed. Tusaalle intii u dhaxeysay sanadihii 1991 illaa 2000, ku dhawaad 90 000 oo tan oo dhuxul ah ayaa loo dhoofiyay wadamada khaliijka. Wax soo saarku waa uu sii kordhay oo 2011-kii oo keliya waxaa lagu siyaadiyay 250 000 tons.

Taasi waxey gacan ka geystay inuu sii xoogeysto dhaqdhaqaaqa lagu jaro dhirta ee lagu xaalufinayo degaanka, keymaha dalka na waa kuwa sii yaraanaya.

Dhul ku teetsan labada webi ee jubba iyo shabeelle ayaa marti geliya dhirta ugu badan ee kala jaadka ah, nasiib darrose dhulalkaasi qeybtood sida labada shabbeelle waa kuwa wajahaya halis muuqata.

Tirakoob ay sameeysay qaramada midoobay intii u dhaxeysay sanadihii 1990-kii illaa 2000-kii, ayaa lagu ogaaday in sanad gudihii la jaray dhirtii kuu taalay dhul gaaraya 76.700 oo hektar, taasi oo heerka xaalufta dhirta sanadkii ka dhigeysa 0.93%.

Waxeysa Global Forest Resources Assessment oo sahan kaa ka danbeeyay sameysay intii u dhaxeysay 2000-2005-tii ay tilmaamtay in heerka xaalufku dhan yahay 10.4%.

Dhirtaasi la xalaalufinayo waa noocyo ka mid ah 3028 jaad ee dhirta xididooleeyda ah ee laga heli karo wadankeenna, kuwaasi 16.5% ay yihiin dhir ka dabar go’day dunida, sida ku dhigan xogta xarunta illaalinta iyo kormeerka dunida.

Marka dhinaca kala la iska taago jaadadkan kala duwan ee geedaha ah waxey ay hooy iyo cunnaba u tahay inta la ogyahay 1078 nooc oo noole ah oo isugu jira xamaarato sida masaska, shinbiro kala jaad ah, naasleey sida daanyeerka iyo lafdhabarleey kale oo tusaalle looga dhigi karo maroodiga iyo dawacada.

Noolayaashaasi sida ay qabto xarunta illaalinta iyo kormeerka dunida ee World Conservation Monitoring Centre, 6.1% waa kuwa sii dabar go’aya, taasi oo ka dhigan in uusan jirin dalka kale oo laga heli karo.

Sabab la xiriirta qiimaheeda jaban dalabka dhuxusha waa mid is sii tari doonta sanadaha ina soo aadan, oo saadaallada qaar ka mid ah waxey sheegayaan in waxa lagu gaaro 2030-ka 700 oo milyan oo afrikaan ah in dhuxushu u noqon doontaan isha ugu mudan oo ay ka heli karaan tamar.

Inkasta oo uu golaha amaanka ee qaranmada midoobay bishii February 2012 soo saaray qaraar lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha dalka, haddana ma jiro isbaddel muuqda.

Dalka oo aan lahayn hay’ad xoogan oo illaalisa dhirta, kuwa kale oo sameeya shaqa abuur ballaaran si loo mashquuliyo dhalinta, iyo iscticmaalaayaasha gudaha oo aanan haysan baddel kale oo ay goyn karaan qiimaha ahaan, intaasi oo isbiirsaday waxey ififaalo u yihiin in dhaqdhaqaaqa jir jaritu sii jiri doono.

 

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan