Fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga bannaan baraha bulshada

Himilo – Adeegsiga baraha bulshada ayaa isa soo tarayay tobankii sano ee ugu dambeeyay dunida oo dhan. Natiijooyinka ka dhashay waxaa ka mid ah in looga faa’iideystay dhinacyada nolosha sida xiriirka, ganacsiga iyo wixii la mid ah.

Xiriirka isgaarsiinta ee dadweynaha ayaa fududaaday markii la helay noocyada badan ee baraha bulshada. Isku gudbinta macluumaad oo wakhti dheer qaadan jiray ayaa maanta il-biriqsiyo ku faafa.

Waa awood suura-gelisay in lagu wadaago waxyaabo nolol maalmeedka daruuri u ah. Dadka isticmaala badi waa dhallinyaro. Bogagga ay xiiseyaan waxaa ka mid ah; Facebook, Twitter, Instagram, WhatsApp, Telegram, Snapchat, YouTube, Google, iyo TikTok.

Tiro-koobyada ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka ujeedooyinka kala duwan ugu soo biiraya ay gaareen mar hore 4.61 bilyan oo da’yar u badan. Waddamada soo koraya ayaa ka mid ah meelaha dadkoodu ku sii kordhayaan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa isticmaala qeybaha kala duwan ee bulshadu ku xariirto. Tiradooda ayaa  si joogta ah u sii kordheysa, xilli mararka qaar la’arki karo dad da’ ah oo si weyn u isticmaalaya dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha wanaagsan ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan seefta laba af leh (Baraha Bulshada)?

  1. Waxay ku korin karaan xirfadahooda iyo aqoontooda. Tani waxay u sahli doontaa inaysan shaqo waayin iyo inay noqdaan dad loo baahan yahay oo la soo raadsado
  2. Waxay ku abuuran karaan ganacsi online ah oo aan xuduud laheyn. Tani waa fursad ay caalamka kale kula macaashi karaan.
  3. Sidoo kale waxay dhaqaale ka sameyn karaan bogaggooda baraha bulshada, iyagoo ku soo gudbinaya xogo iyaga iyo dadka wax ku kordhiya
  4. Baraha bulshada waxay ugu faa’iideyn karaan dadweynaha iyagoo wax ku baraya ama hawlo samo-faleed ugu qabanaya

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah dad leh tamar waxay u baahan yihiin inay baraha bulshada u arkaan fursad wejiyo badan. Taas oo ay ku beddeli karaan heerkooda nololeed si ay wax u taraan dadkooda iyo dadkooda.

Qore: Cali Hilowle

 

error: Copy lama Ogola Fadlan