Home / Macluumaad / Sababta aan Saaxiibo ugu baahannahay!
1752

Sababta aan Saaxiibo ugu baahannahay!

Muqdisho – Mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan balse si liidata looga fahmay xerada cilmiga kasmo-nafeedka waa doorka saaxiibadu ku leeyihiin nolosheenna. Wax iska caadi ayay u muuqataa inaan si qoto dheer loo qaadaa-dhigin ahmiyadda saaxiibadu noogu fadhiyaan.

Dhinac kasta oo nolosha laga eego, saaxiibadu waa iftiin shidmaya. Marka ay timaado farxadda, saaxiibada ayaa fure  u ah.

Halkan haddaba waxaan kuugu sheegi karnaa dhowr qodob oo muhiim kaaga dhigaya inaan hadiyo jeer qiimeyso saaxiibadaada.

  1. Saaxiibadu waxay kuu saameeyaan in ka badan inta aan garowsan tahay. Garwaaqso ama ka biya-diid, saaxiibadaadu waa kuwa raadeeya nuuca qofeed oo aad maanta tahay. Xittaa waxaa tahay natiijada ama miraha saaxiibo aan in badan maanta kuu ahayn saaxiib kuwaas oo maalmo hore qeyb weyn kasoo qaatay tabantaabada noloshaada.
  2. Saaxiibadu waxay ku siin karaan nolol xirfadeed muhiim kuu ah. Waxaa jira xaglo badan oo saaxiibtinimadu kasoo aroorto sida kuwa kugu haga hilinka aad rabto: kugu ilaaliya farxadda aad u baahan tahay: kugu caawiya inaad naftaada si fiican u barato: iyo kuwa ugu danbaynna inaan gaarto yoolkaada kuna noolaato nolol caafimaad leh kaa kaalmeeya.
  3. Saaxiibada carruureed waxay bilow u tahay hab-raaca wax-barashadaada. Saaxiibada carruurnimada aan isla soo kortaan waa kuwa kuugu muhiimsan. Waxay si ficil ah u og yihiin sirta hoose ee hibada noloshaada. Waayo waxay kula soo qaadeen tallaabooyinkii bilowga u ahaa safarka dheer ee noloshaada.
  4. Saaxiibadu waxay kugu saacidi karaan inaad qeexdo mudnaantaada. Helidda saaxiib kugu fikir ah aalaaba kuma raadeyn karo. Inaad hesho saaxiib fikradahaaga iyo kuwiisu ay kala duwan yihiin, haddana aad wada fal-geli kartaan waxay kaaga filan tahay inaad fahamto waxa mudan iyo waqtiga ay habboon yihiin. Waayo waxaad kulansatay waaya’aragnimada labada dhinac ee fikradihiinna.
  5. Inaad saaxiib leedahay waxay kugu kaalmaysaa inaan saaxiibo badan abuurato. Uma baahnid saaxiibo badan si ay nolosha kaaga caawiyaan, haddana waa muhiim inaad saaxiibada saaxiibadaada ay kuu yihiin keyd dahsoon oo hadiyo jeer dhinacaada usoo dumi kara. Baro in adiga oo hilmaamin saaxiibadii hore aad kuwa hor leh abuuran karto.
  6. Saaxiibadu waxay awoodi karaan inay halgaad kula helaan sidoo kale. Dhinac madow oo saaxiibtinimada ah ayaa jira. Dadka kuugu aqoonta badan ayaa mararka qaar ah kuwa kuugu nabar-wareen badan. Haddii saaxiibadu ay sameynayaan walxo xun ama halis leh, waxay kugu ridi karaan booraan. Diyaar u noqo inaad maya ku tiraahdo saaxiibada ku niyad-jebinaya ama tumaatida kula helaya. Haddii kale waxaa ku qaadayaa daadkooda.
  7. Ma noqonaysid cidlo marka aad saaxiibo leedahay. Cidladu waa laxaw gaar ahaan marka aad muddo badan wehel la’aan ku nooshahay. Sidaas darteed, helidda saaxiibo waxay kugu kaalmaynaysaa inaadan fursad u helin mashquulka cidlada.
  8. Noqoshada saaxiib waxay caawisaa saaxiibadaada. Saaxiibtinimada waa sida haruub caano lagu shubay oo hadba mid uu dhamayo ilaa ay wada heensadaan. Marka aad tahay saaxiib hiraale ah, waxaad helaysaa saaxiibo horseed kuu ah. Marka saaxiibadu og yihiin in xagaada lagu tashan karo, waxay hadiyo jeer isku xil-qaamayaan inay taadana kasoo dhalaalaan.
  9. Saaxiibada kuuma kala sokeeyaan. Inteenna badan waxaan ogsoonnahay in gabadhu ay gabdhaha la saaxiibto: wiilashuna ay wiilashana la socdaan. Waa dhif iyo naadir in la arko saaxiibo kala jinsi ah – lab iyo dhedig – dan-wanaag iyo iskaashato ah. Waddada kaliya oo labada jinsi ay iskula kulmi karaan waxay u badatay midda ah yeelashada lammaane nolol wadaag ah. inaad leedahay saaxiib kala duwan – rag iyo dumarba isugu jira – oo misana kala da’aad ah waxay kugu saacidaysaa inaadan lumin waaya’aragnimadii shalay, waaqica maanta iyo diyaar-garowga beritto.
  10. Saaxiibadu waxay door ka ciyaaraan xiriirradaada hoose. Dadka isku danta ah waxay aalaaba isasiiyaan taageerada ugu badan. Nasiib-darro, saaxiibada qaar talo kuma lahan nolosha hoose ee saaxiibka kale. in – adiga oo go’aankaadu kuu cad yahay – aad saaxiibadaada la wadaagto talada aad jeceshahay, waxay kugu saacidaysaa inaad ku guuleysato yoolka nololeed ee nolosha lammaanaha.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan