Himilo FM – Ku dhawaad 168 qofood ayaa ku dhintay halka 745 qofood ku dhaawacmeen Tsunami ku dhuftay marin-biyoodka Sunda ee dalka Indonesia sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda.
Mowjado Tsunami ah ayaa la dareemay xalay iyadoo aysan jirin digniin hore, waxa burburay boqolaal dhismo.
Saraakiisha waxay ku soo waramayaan in Tsunami-ga uu ka dhashay burbur dhuleed ka dhacay gunta hoose ee badda kaddib markii uu falkaanaha Anak Krakatau uu qarxay.
Marin-biyoodka Sunda oo u dhaxeeya jasiiradaha Java iyo Sumatra ayaa isku xera badda Java iyo badweynta Hindiya.
Khasaaraha ka dhashay Tsunami-ga ee dhimasho, dhaawac iyo burburka hantida ayaa laga baqdin qabaa inay sii kordhaan.
Wakaalada maareynta musiibooyinka Indonesia ayaa dadweynaha uga digtay inay ka fogaadaan dhulalka xeebta ah sababo ku qotoma cabsi laga qabo Tsunami kale oo dhaca.
“Waxaa jira burbur xooggan oo aan aragno, gawaari burburtay, waxaan aragnaa dhismooyinka burburay,” Kathy Mueller oo ah sarkaal katirsan bisha cas ee dalkaasi ayaa sidaasi sheegay.
Sawirrada burburka Tsunamiga oo la soo dhigay boggaga bulshadda ku xiriirto ayaa muujinaya burbur lixaad leh oo ka dhashay Tsunamiga ku dhuftay dalkaasi.
Dalkan dhaca koonfur bari Asia ayaa waxaa ku badan dhulgariirada iyo Tsunamiga oo geysta khasaaro xooggan.
Haddaba waa maxay sababta ka dhigtay Indonesia mid u nugul dhulgariirada?
Indonesia waa mid u nugul dhulgariirada, waxaana sabab u ah taasi halka ay dhulka kaga taallo oo loo yaqaan “Ring of Fire” waa dhul ballaaran oo ay ku badan yihiin faalkanada, waana halka ay inta badan ka dhacaan dhulgariirada ugu badan ee caalamka.
Allison Chinchar oo ah wariye arrimaha saadaasha hawada ayaa qaba in isbadalka ku socda dhulka loo yaqaan “Ring of Fire” loo tiirin karo dhulgariirada iyo Tsunamiga ka dhaca dalkaasi.
Indonesia oo ah jasiiradda ugu weyn caalamka ayaa celcelis ahaan waxaa ugu yaraan bishii ka dhaca musiibo dabiici ah tan iyo Tsunamigii sanadkii 2004. Waxay u badan yihiin dhacdooyinka dhulgariirada, Tsunamiga, qaraxyada faalkaanaha iyo dhacdooyin kale oo ka dhasha isbadalka cimilada.