Home / Arrimaha Bulshada / Saboolkii waxbarashada ka haray ee milyi-neerka noqday

Saboolkii waxbarashada ka haray ee milyi-neerka noqday

Himilo – Steve Parkin wuxuu waxbarashada ka haray  isagoo 16 jir ah oo aan haysan wax shahaado ah sannadkii 1992. Balse hadda waa milyineer safka hore kaga jira dadka ugu hantida badan magaalada taariikheeda Yorkshire ee ku taalla waqooyiga UK.

Markii uu tacliinta wadi waayay wuxuu noloshiisa u furay albaab cusub, dedaal kadib wuxuu helay oggolaanshaha wadidda gawaaridda xamuulka. Markii ugu horreysay wuxuu darawal u ahaa shirkadda dharka sameysa. Hase-yeeshee, maanta wuxuu leeyahay shirkad u gaar ah oo online-ka wax ku iibisa.

Sida laga soo xigtay Business Insider oo ah mareeg ka faalloota arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga, Mr Parkin qiimaha hantidiisa sanadkii hore waxay gaartay 45 milyan oo doollar. Sidoo kale wuxuu ka mid noqday 10-ka ruux ee ugu maal qabeensan magaaladiisa.

Intii lagu jiray saameynta Karoona shirkadda Mr Parkin ee Clipper waxaa u suura gashay inay qiimo weyn ku dhex yeelato macaamiisha. Wuxuu sheegay inuu sii joogteyn doono sidii mustaqbalka uu u korin lahaa. Ninkan sidoo kale, wuxuu taageeraa kooxda Leeds United wuxuu tilmaanay inuu dhowr mar isku dayay inuu la wareego.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Copy lama Ogola Fadlan