Himilo FM –Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in afka Shiinaha lagu biirinayo muqararaadka waxbarashada heerarka kala duwan ee boqortooyada.
Wakaaalada wararka Sacuudiga ayaa shaacisay in afka Shiinaha uu kamid noqon doono muqararka waxbarashada heer kasta ee dalka Sacuudiga sida waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha.
Waxa uu go’aankan imaanayaa xilli dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqasho ku joogo Shiinaha. Waa safarkiisii seddexaad islamarkaana ugu danbeeyay ee uu ku tagayo dalal kamid ah Asia.
Waxa uu hore booqasho ugu bixiyay dalalka Pakistaan iyo Hindiya isaga oo la kulmay madaxda dalkaasi.
Go’aanka ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo dhaqamada kala duwan iyadoo la doonayo in lagu furo wado cusub oo ah waxbarashada sare si loo kordhiyo xiriirka ganacsi iyo dhaqan ee labada bulsho.