Himilo – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa billaabay sharci lagu diiwaan galinayo magacyada caruurta dhasha, kaas oo mamnuucyada magacyada dhaawici kara qiyamka diinta Islaamka.
Wakaaladda arimaha rayidka ee wasaaradda arimaha gudaha oo soo saartay sharciga, ayaa sheegtay inaan dhallaanka yar loo bixin karin magacyada ay ka mid yihiin Cabdi Rasul (Rasuulka addoonka ah) amaba Malak (Malaa’ik), haddii ay dhacdo in cunugga yar loo bixiyo ma noqon doono mid la diiwaan galiyo.
Kooxda diiwaanka heysa ayaa sidoo kale waxaa ka mamnuuca inay diiwaan galiyaan magacyada lammaansan sida Maxamed Saalax iyo Maxamed Mustafa, kuwaas oo aanan loo tixgalin hal magac marka loo eego sharciga sacuudiga, sida uu daabacay warsidaha Gulfnews.
Dalalka Carbeed qaarkood ayaa caruurtooda u bixiya magacyada lammaansan iyaga oo ku maamuusaya odayadoodii hore, halka barkoodna ay aaminsan yihiin in magacyada noocaasi ah ka hortagayaan waxyeelada ay leedahay Isha.