Himilo FM – Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa inuu qareenada waajib uga dhigay inay xertaan jaakada u gaarka ah xirfadleydaasi, taasi oo kahor imaaneysa sharci hore oo ka mamnuucay qareenada qaadashada jaakadaha lagu yaqaan.
Qareenada dalkan carbeed looma oggoleyn inay xertaan jaakadaha lagu yaqaan, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay arrin “ Bidco ah” oo cusub islamarkaana laga soo minguuriyay dibadaha.
Kaatib Shamri oo xubin ka ah ururka ay ku mideysan yihiin qareenada carabta ayaa u sheegay wakaalada Jarmalka inuu ku faraxsan yahay go’aanka soo baxay isaga oo ku tilmaamay guul weyn.
Waxa uu intaa raaciyay qareenka in heybada maxkamadda ku jirto in la qaato dharka u gaarka ah xirfadleyda ka shaqeysa maxkamadda.
Dad badan ayaa u arka in qareenada xertaan jaakadaha inay tahay arrin aan waafaqsaneyn dhaqanka Sacuudiga islamarkaana laga soo minguuriyay dibadaha halka inkale oo badan ula muuqatay inaysan culeys laheyn in la qaato dharkaasi oo astaan u ah xirfadleyda garsoorka.
Goor sii horreysay, qareenada Sacuudiga waxay xeran jireen dharka dhaqanka u ah dalkaasi iyadoo laga mamnuucay inay qaataan jaakadaha ay caanka ku yihiin maxkamadaha.