Himilo – Saddex sawir oo lagu qiyaasay qiimahoodu yahay 9 milyan oo yuuro, oo u dhiganta $10.5 milyan, ayaa laga xaday Matxafka Auguste Renoir ee magaalada Cagnes-sur-Mer, oo ku dhow magaalada Nice ee koonfurta Faransiiska.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in laba tuug ay gudaha u galeen matxafka, halka duqa magaalada Bryan Masson uu sheegay in kamaradaha ammaanku muujiyeen laba qof oo galay gurigii hore ee uu deggenaa farshaxamiistihii caanka ahaa ee Faransiiska Pierre-Auguste Renoir, ayna qaateen afar farshaxan. Mid ka mid ah ayay tuugadu ka tageen intii ay baxsanayeen.
Muuqaallada kamaradaha ayaa sidoo kale muujiyay in tuugadu ay sawirrada ka gooyeen fareemadooda ka hor inta aan la kicin alaarmiga amniga. Baarayaashu waxay beerta matxafka ka heleen laba boorso oo loo malaynayo inay lahaayeen tuugada.
Booliska ayaa la wareegay baaritaanka, iyadoo Waaxda La-dagaallanka Dambiyada Abaabulan iyo Dembiyada Gaarka ah ay hoggaaminayso kiiska. Matxafka ayaa la xiray ilaa ogeysiis dambe.