Home / Habka-Nolosha / Sadio Mane oo Laga yaabo in uu kasoo hormaro Soo laabashadii la filaayay.
LONDON, ENGLAND - AUGUST 06: Sadio Mane of Liverpool during the International Champions Cup 2016 match between Liverpool and Barcelona at Wembley Stadium on August 6, 2016 in London, England. (Photo by Catherine Ivill - AMA/Getty Images)

Sadio Mane oo Laga yaabo in uu kasoo hormaro Soo laabashadii la filaayay.

Sida lagu warbixiyay dhaawaca garabka weerarka Liverpool Sadio Mane kasoo gaaray ciyaarahii qaran ee xulkiisa Senegal ayaan aheyn mid aad u weyn waxaana lasoo sheegayaa inuu saa’id uga fudud yahay sidii markii hore loo maleeyay.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Sadio Mane uu taam u noqon karo kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan Leicester City.

Sadio Mane oo 30 Malyan oo Pound uga soo wareegay Southampton xagaagan, ayaa markiisii labaad dhaawacmay xagaagan markii laga saaray kulankii ay Senegal 2-0 uga badiyeen Namibia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada qaaradda Africa.

Warbixinada qaar ee soo baxayay bilowgii ayaa sheegayay in 24-jirkaan dhaawaciisa uu u muuqday mid aan xun, balse Klopp ayaa ka dhawaajiyay in dhaawaca Mane uusan aheyn sidii markii hore looga hadlay.

Liverpool ayaa sabtida ku ciyaareysa Anfield Road waana kulankii ugu horeeyay oo ay gurigeeda ku ciyaartoy xagaagan, qaadka Anfield ayaana haatan ah 54,167 kursi.

Ugu dambeyntiina Jamaahiirta Reds ayaa warkaan farxadda leh helay maanta iyadoo Mane uu isku diyaarinayo inuu safto kulanka adag ee Leicester City.

About radio himilo

3 comments

  1. Facilitates healing of postoperative or traumatic pyeloureteral leaks or ureteral fistulas by diverting the urinary stream priligy where to buy Samelson EJ, et al

  2. Correlation between IGF2 and ER ОІ was evaluated by the determination of the Spearman correlation coefficient GraphPad Prism where to buy priligy

  3. Moshe, USA 2022 05 04 19 21 47 buy priligy without a script 1 initiated with exemestane

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan