Home / Macluumaad / Sahan muujiyay dhibaatooyin dahsoon oo ka jira ku shaqeynta xafiisyada isku furan

Sahan muujiyay dhibaatooyin dahsoon oo ka jira ku shaqeynta xafiisyada isku furan

Muqdisho – Ku shaqaynta xafiisyo isku furan – oo afka qalaad lagu dhaho landscape office, inteenna badan malahan doorasho hayeeshe inay ku maaroobaan buuqa iyo doodaha ay wadaagayaan dadka la shaqeeya . Dadka qaar, tani waxay ku tahay xog aan loo baahneyn oo kaga soo duusha nolosha shaqsiyadeed ee asxaabta ay la shaqeeyaan ama macluumaadka shirkadda oo ogaal yari ku faafa.

“Hadda inaad miisas dhigto meel faafsan muuqa kore kama ahan muuqaal fidsan,” ayuu yiri hal-aqriye.

Rory O’Brien ayaa qoray: “Maareeyahayga wuxuu fariistaa meel in yar iga durugsan waxaana dareemaa waxyaalo dhowr ah oo ay ku tiri telifoonka dhawaanahan – kuwaas oo aan loogu tala-galin inay dhagahayga ku dhacaan.

Marar waxay arrimuhu noqdaan xasaasi marka loo eego John: “Mudanahayga wuxuu fariisan jiray meel iga soo horjeeda oo xafiiskeenna kamid ah; wuxuuna hadalka telifoonka kula qeylin jiray afadiisa isaga oo adeegsanaya af Jarmal – moodanaya inaan fahmi karin. Mararka qaar, wuxuu cod hunuhunu ah ayuu English ku dhihi jiray.”

Marar kale arrimuhu waxay hadana usii dhaadhacaan ogaalka mushahar ee asxaabta kula shaqeysa. “Waxaan ka shaqeyn jiray xafiis isku furan ah oo kaabiga ku haya xarunta waaxda maaliyadda iyo lacag bixinta. Waxaan isoo gaari jiray hadallo  ku saabsan arrimaha shaqaalaha aan wada shaqeyno mushaharkooda iyo gunnooyinka kale ee lagala xaajoodo,” Carter A Thompson wrote.

Lumista xurnimada shaqsiyadeed kaliya ma ahan dhibaatada ay soo jeediyeen dadkii aftida laga qaaday.

Marka loo eego Stephen Venneman, waxaa jira faafista cuduradda qaar ee hawada ka dhasha. “Waan xumadaysnaan jiray marna qunfici jiray markaan ku socdo gudaha xafiiska ay igula sugan yihiin asxaabtayda,” ayuu yiri.

Inta badan waxaa dhacda falal aan lala dhicin oo kala so gaara shaqaalaha kuwada sugan hal xafiis.

Peter Fonseca ayaa qoray: “Waxaa jiray nin aad isku dhinac kawada fadhin jirnay xafiiska. Wuxuu isku buufin jiray carfiso kahor intuusan shaqada guda-galin. Ma is weydiinayn haddii aan dhib ku qabo iyo in kale.”

Dheelli-tir

“Ku shaqeynta xafiisyada isku furan waxay caan ku yihiin iskaashiga iyo wada-shaqeynta, hayeeshe daganaan iyo gaaroobid ayaa wali loo baahan yahay,” ayuu qoray Caleb Anthony Parker kaas oo kusoo shaqeeyey xafiis isku furan iyo mid xiran labadaba.

Balse Mat Solms ayaa soo jeedinaya in xafiisyada isku furan loo sameeyo meel gaar u ah hadalka, hawada iyo barabax fidsan oo kala meeleeya labadii qof ee isku wada dhow.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan