Muqdisho – Laacibka dibad-doonka ka ah naadiga Arsenal, Alex Sanchez ayaa lagu soo warramayaa inuu iska diiday dalab adduun dhan £21 million oo kaga yimid horyaalka dalka Shiinaha, sida ay sheeganayso The Sun.
The Sun ayaa sheegaysa inuu taasi uga golleeyahay usii gogol xaarista kooxda Manchester City oo aad u xiisaynaysa.
Laacibka ayaa laga diiday maalinta kama danbeys ah in loo yeelo uga tegistiisa Arsenal dhinaca City xagaagii dhamaaday, maadaama kooxdu aysan helin bedelkii ay booskiisa ku buuxin lahayd.
Hebei China Fortune ayaa xiddigan usoo ban-dhigtay £400,000 inuu qaato toddobaadkiisa si ay kaga soo dhaqaajiso horyaalka EPL. Wuuse ku gacan-seyray laacibkan reer Chile.