Home / Macluumaad / Sanka oo markhaati ka noqon kara inuu qofka been sheegayo!

Sanka oo markhaati ka noqon kara inuu qofka been sheegayo!

Saynisyahano ayaa sameeyay tijaabo la xiriirta sida sanka markhaati uga noqon karo inuu qofka been sheegayo iyo inkale iyadoo la adeegsanayo halbeegga lagu cabbiro heer kulka jirka qofka.

Khubarada ayaa dadkii ka qeybgalay tijaabada waxay ka codsadeen inay la xiriiraan ehaladooda iyaga oo u sheegaya been. Waxay saynisyahanada ogaadeen in heer kulka sanka qofka marka uu been sheegayo uu hoos u dhacayo 1.2 Celsius halka kuleylka wajiga hore uu saro u kacayo 1.5 Celsius.

Emilio Gomez Milano oo ah saynisyahan ayaa ku sheegay sababta inay tahay in qofka beenta sheegaya uu dareemayo walwal xooggan halka beenta ay shaqo badan geliso maskaxda taasi oo keenaysa in wajiga hore ee qofka uu kululaado.

Waxa uu intaa raaciyay in natiijada la hubiyay 80% , waxaana uu tilmaamay in qaabkan looga maarmi karo qalabka loo adeegsado in lagu ogaado in qofka uu been sheegayo iyo inkale.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan