Himilo FM – Markii wax laga weydiiyay wax ku saabsan Ronaldo, tababaraha kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa ku yiri shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka caawa Champions League oo ay la leeyihiin CSKA Moscow “Bini’aadanimadu waa fiyoobid weyn”.
Wareysi uu shalay bixiyay Cristiano Ronaldo ayaa kooxda Juventus barbardhigay kooxdiisii hore “Tani waa kooxdii ugu fiicnayd ee aan ka ciyaaray’ kana wanaagsan kooxihii uu soo maray oo ay hormuud u tahay naadiga uu guulaha badan la gaaray ee Real Madrid.
Tababaraha kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaan wakhti dheer ku qaadanin in uu u jawaabo laacibka Portugal, wuxuuna yiri hoggaamiyuhu “Bini’aadanimadu waa fayoobid oo ay u baahan yihiin ciyaartoyda sare, Real Madrid waxay heysataa koox cajiib ah, Cristiano Ronaldo wuxuu ku andacoonayaa in kooxda ay hoos u dhacday”.
Cristiano waa mid naga mid ah weligiis,waa taariikhda nool ee Real Madrid, dareenkiisa isaga ayaa leh, mana xukumi karno, “ayuu yiri Solari.