Home / Cayaaro / Santiago Solari “wax walwal ah kama qabo shaqadeyda Real Madrid.”

Santiago Solari “wax walwal ah kama qabo shaqadeyda Real Madrid.”

Himilo FM – Santiago Solari ayaan ku kalsooneyn wararka sheegaya in Jose Mourinho uu dib ugu soo laabanayo shaqada kooxda Real Madrid.

Mourinho ayaa Madrid ku hoggaamiyay horyaalka La Liga 2012 iyo seddex jeer oo uu gaarsiiyay heerka afar dhammaadka tartanka Champions League laakiin waxa uu ka tagay isaga oo aan xiriir wacan la laheyn xiddigaha sare ee kooxda Los Blancos.

“Waxaan qabaa qiiro badan iyo ixtiraam aan u hayo dhammaan macalimiintayada kale ee aan isla shaqeyno, “ayuu Solari u sheegay saxaafadda talaadadii sida ay werisay diario AS.

“Waxay sameeyaan shaqo aan caadi ahayn,dareenkaasina si gaar ah ayuu u xooggan yahay,kuwa horay ugu jiray kooxdan waxay na siiyeen xasuuso badan oo farxad leh,”

Warsidaha El Pais  ayaa ku waramaya in kooxda Real Madrid ay dooneyso inay dib ula midowdo Jose Mourinho si ay bedel ugu dhigaan Santiago Solari xaggaaga soo aadan.

Saxafiga Diego Torres oo horey buug ugu qoray tababaraha reer Portugal ayaa hoosta ka xariiqay sida Los Blancos iyo madaxweyne Florentino Perez ay u doonayaan inay kasoo dejiyaan garoonka Bernabue.

Solari waxa uu si rasmi ah ugu biiray Real Madrid bishii lasoo dhaafay isagoo heshiis labo sanno iyo bar ah u saxiixay illaa iyo xaggaaga 2021, waxaa horumarkiisa kooxda dhaawacay guuldarooyinkii kasoo gaaray Eibar iyo CSKA Moscow.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan