Home / Dhaqaale / Muqdisho: kiilada Liin-dhanaanta oo lagu kala iibsanayo 40-kun sh so

Muqdisho: kiilada Liin-dhanaanta oo lagu kala iibsanayo 40-kun sh so

Himilo – Waxaa sare kac laga dareemayaa qiimaha la kala siisto khudaarta kasoo go’da beeraha dalka ee lagu iibiyo suuqyada caasimadda Muqdisho.

Sare u kacan ayaa si gaar ah u taabtay khudaarta kala ah Liin dhanaanta, ansalaatada, Bocor guduudka, Barbarooniga iyo Basbaaska.

Sida ay radio Himilo u sheegtay Xabiibo Cabdi Barrow oo ka ganacsatada Khudaarta, kiiladii Liin dhanaanta ah ayaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 40,000 illaa 60-kun oo shilinka soomaaliga, halka ansalaatada 1kg la kala siinayo qiima u dhaxeeya 130 illaa 140-kun oo shilin.

Rubaca basbaaska ah ayaa suuqda Muqdisho la kala iibsanayaa lacag dhan $3 oo u dhiganta ku dhawaad 80-kun oo shilin, iyadoona barbarooniga la kala siisanyo 60-illaa 100-kun oo shilin, sida ay sheegtay Xabiibo Cabdi.

Bil kahor, kiilada liin dhanaanta ah waxaa la iibinayay inta u dhaxeysa 8-10-kun, halka barbarooniga uu u dhaxeeyay 30 illaa 35-kun.

“Muddo ma arag qiimo koror intaan la eg, sababtoo ah waxa uu saameeyay inta badan khudaarta mar weliba la isticmaalo” ayey tiri Xabiibo Cabdi.

Sare u kac oo si gaar ah u taabtay qoysaska danta yar, ayaa loo aaneeynayaa roobkii ka da’ayay degaanada hoos yimaada gobolka Sh/ hoos, halkaasi oo ay kasoo go’do khudaarta ugu badan ee la keeno suuqyada Muqdisho. Roobka ayaa marka laga yimaado inuu baabi’iyay khudaartii ku beerbeyd beeraha. waxa uu sidoo kale biya dhigay dhulka, taasi oo adkeysay isu socodkii.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan