Home / Macluumaad / Sarkaalkii lasoo soomay Saaxiibkiisa Muslimka ah!

Sarkaalkii lasoo soomay Saaxiibkiisa Muslimka ah!

Himilo — Si uu la-jir ahaansho iyo wadajirba ugu muujiyo, sarkaal boolis ah oo aan Muslim ahayn ayaa soomaya 30 maalmood oo dhan inta lagu jiro bisha Ramadan.

Sergeant Kevin Gammond, oo 38 jir ah, waxaa ku adkaatay inuu keligiis iska cuno cuntada isaga oo saaxiibkiis Kassim Hanif, oo 34 jir ah, uu ku dhinac sooman yahay. 

“Maalmihii uu soo dhawaa Ramadaanka ayaa ku iri saaxiibkay wan kula soomaya haddii aadan dhib u arkeyn,” ayuu yiri Kevin.

“Waxan rabay inan kula midoobo waqtiga adag oo uu galayo oo aan naf ahaantaydana usoo ogaado waxa ay ka dhigan tahay in la soomo,” ayuu sii raaciyay.

In kasta oo Kevin uu waayayo shaahii uu aroor walba ku af-bilaaban jiray, haddana waxaa ka go’an inuu dhammeysto 30-ka maalmood.

Hanif ayaa mahad ballaaran ka celiyay tallaabta adag oo uu saaxiibkiis ku dhinac istaagay waxaana uu bogaadiyay nafhurnimadiisa cajiibka ah.

Xiddigle Paul Wall ayaa labada sarkaal ku amaanay in iyaga oo sooman ay haddana shaqadooda uga soo dhalaaleen si qurux badan oo joogto ah.

Ma ahan markii koowaad oo qof aan Muslim ahayn uu soomayo. Sannadkii 2019-ka, macalin ku nool  Lancashire ayaa wada soontay bisha Ramadaan si ay garab istaag ugu muujiso ardayda Muslimiinta ah ee dhiganayay iskuulka.

Sarbani Ghoshal oo ah haweeney aan Muslim ahayn oo ku nool Dubai waxaa lasoo weriyay inay soonto bil walba oo Ramadaan.

Nick Watson, oo sidoo kale gu’yaal badan ku noolaa Dubai marnaba maanu seegin inuu soomo 20kii sanno ee uu joogay dalkaas.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan