Home / Macluumaad / Sawirro – Haweeneyda ugu baararka dheer adduunka.

Sawirro – Haweeneyda ugu baararka dheer adduunka.

Muqdisho – In la yiraahdo You Jianxia waxay leedahay baarar dheerdheer kuma eka qiimayntii loo baahnaa. Celceliska baararku waxay dheeraan karaan 0.8 iyo 1.2 cm – laakiin haweeneydan oo baararka indhaheeda ay gaareen 12.4 cm – kana dhigan 5 inch – waa qiimayn kale.

Buugga Guinness ayay sanadkan ku galaysaa gabadha ugu baararka dheer dunida, waxaana loolanka kula jira 500 murashaxiin kale ah. Balse majiro qof usoo dhawaan kara dhererka baararkeeda.

You waa agaasimihii hore ee shirkadda maal-gelineed oo xarunteedu tahay Shangai dalka Shiinaha. Waana 49-jir hadda usoo geyfan ku guuleysiga biladda GB record.

Sida ay sheegtay, baararkeedu maysan dheeraaneyn taniyo yaraanteeda. Waxay kaliya ku baraarugtay sanado kahor markii ay ka shaqeynaysay shirkadda. Sanadkii 2013 ayay qaadatay naanaystii ugu horreysay ee loogu yeero baararkeeda awgeed.

You-Jianxia-eyelashes2-750x500 You-Jianxia-eyelashes3

You-Jianxia-eyelashes4-750x494

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan