Home / Arrimaha Bulshada / Sawirro: Ninka qaata keliya dharka leh midabka jaalaha!

Sawirro: Ninka qaata keliya dharka leh midabka jaalaha!

Himilo FM – Ma u maleynaysaa inaad xeran karto dhar leh midabka jaalaha muddo 35 sanno ah, sidaasi waxaa sameeyay Abou Zakkour oo da’diisu tahay 68 jir deggan magaalada Aleppo ee dalka Syria.

Sheekadan ninkan oo dadka ula baxeen “ Ninkii dharka jaalaha” ayaa bilaabatay bishii Janaayo ee sannadkii 1983-dii xilligaasi oo uu go’aansaday Mr Abou inuu qaato keliya dharka leh midabka jaalaha.

Waxay la tahay in midabka jaalaha uu yahay astaanta lagu yaqaan jaceylka, tan iyo maalintii uu go’aanka qaatay waxa uu xertaa midabkaasi.

Tani waxay ka dhigan tahay in dhammaan dharka uu xerto sida dharka hoos gashiga in midabkoodu yahay jaale sida uu Abou u sheegay warbaahinta.  Waxaa la soo wariyay xittaa in midabka daladiisa tahay jaale.

Waxaan kugu soo lifaaqnay xogtan sawirrada ninka, ee fadlan ka eeg hoos.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan