Qadka dhexe ee Manchester United Bastian Schweinsteiger ayaa xalay sameeyay diiwaan cusub kulankii ay dharbaaxada ku dhufteen xulka Northern Ireland.
Horaan kulankii ay dhantaaleen Ukraine ayuu kursiga keydka kasoo kacay si uu u barbareeyo diiwaanka ah laacibka ugu safashada badan xulka Jarmalka ee cayaara tartanka qaramada qaaradda Yurub oo uu heystay Lahm oo 14 kulan horey tartankan kaga cayaaray.
Halyeygaan qadka dhexe ka cayaara ayaa qeybtii labaad bedel kusoo galay cayaartii xalay isagoo booska kala baxay Sami Khedira si kulankiisii 15aad ee tartankan uu u cayaaro.
Saddexdiisii kulan oo tartankan ugu horeysay wuxuu ku qaatay ka hoos shaqeyntii macallin Rudi Völler sanadkii 2004, wuxuuna 12dii sano ee xigay gaaray heerkan.
Bastian Schweinsteiger ayaana iminka hiigsanaya xulkiisa oo booska koowaad ku soo baxay inuu kulankiisa 16aad u cayaaro si uu u barbareeyo diiwaanka wiilasha ugu safashada badan tartankan ee kala ah Lilian Thuram oo daafaca uga cayaari jiray Faransiiska iyo goolhayihii hore ee xulka Netherland iyo kooxda Manchester United Edwin van der Sar, kuwaasoo min 16 kulan tartankan ka cayaaray.