Himilo – Dalka Scotland, nin xoolo dhaqato ah ayaa qirtay in uu si xun ula dhaqmay xayawaan kaddib markii muuqaal la faafiyay uu muujiyay isaga oo garaacaya Ido.
William Brown oo 59 jirka ah ayaa lagu ganaaxay 715 doolar iyada oo loo fiiriyay sharci soo baxay sannadkii 2006-dii. Tani waxay ka danbeysay markii uu qirtay in uu dhibaateeyay Ido uu xannaaneynayay 2018-ka.
Hay’ad difaacda xuquuqda xayawaannada ayaa dacwadda ku soo oogtay muwaadinka reer Scotland. Madaxa hay’adda ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in ganaaxa uu digniin u noqdo dhaqamada xun ee aan la aqbali karin.