Home / Deegaan / Scotland: Jasiirad lagu xaraashayo $111,700

Scotland: Jasiirad lagu xaraashayo $111,700

Himilo – Jasiirad gaar loo leeyahay oo ku taalla xeebaha galbeed ee Scotland ayaa la raadinayaa cid gadata iyadoo lagu doonayo lacag gaareysa $111,700.

Guriga xaraashyada ee UK ayaa sheegay in gabi ahaan Deer Island la iibinayo. Waxaa la soo weriyay inaysan hadda cidi daganayd oo ay cidlo tahay.

500-tii ee sano ee la soo dhaafay waxaa lahaa hal qoys. Qofka iibsada mustaqbalka wuxuu deris la noqon doonaa jasiiraddo ay leeyihiin taajiriin.

26 bishan ayaa jasiiraddan hab online ah lagu xaraashi doonaa. Waxaa jira dad durba is diiwaan geliyay. Jasiiraddan waxay u fadhidaa dhul dhan 11 hektar.

Deer Island, waxaa lagu wadaa in dib loogu iibin karo qiimo u dhaxeeyay $209,000 ilaa $279,00 Haddii dhismooyin laga dhiso.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan