Home / Habka-Nolosha / Seddex dhacdo oo aad ugu baahan tahay in aad ka ogaato kulanka Elclasico

Seddex dhacdo oo aad ugu baahan tahay in aad ka ogaato kulanka Elclasico

Muqdisho – Mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan dunida ayaa maqribka ka dhici donna garoonka caalamiga ah ee Cam Nou kaasi oo ay ku ciyaarto naadiga Barcelona,ciyaartan ayaa ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain,haddaba waxaan kuu soo gudbineynaa seddex xaqiiq aadan waxba ka ogeyn oo kulankaan uu gaar la yahay.

1-Ma jiraan Ciyaartoy badan oo matalay labadaan koox inta lagu guda jirey xirfadoda ciyaareed,laakiin tababaraha haatan ee Real Madrid Julen Lopetegui ayaa ka mid ah ciyaartoy dhowr ah oo sidaas sameeyay.Inkastoo uusan marnaba ka qeyb galin kulan ciyaareedkaan, wuxuu joogay Real Madrid intii u dhaxeysay 1988-91 iyo Barcelona intii u dhaxeysay 1994-97,kooxda Los Blancos waxa uu u ciyaaray sannadahaas hal kulan,halka naadiga Barcelona uu u dheelay shan kulan.

Ciyaartoy kale oo heer sare ah ayaa labada kooxood u ciyaarey sida Luis Figo, Bernd Schuster, Ronaldo, Javier Saviola, Michael Laudrup Samuel Eto’o, iyo Luis Enrique oo ahaa macalinkii hore ee Barcelona, kaasi oo dhawaan shaqada xulka Spain kala wareegay Lopetegui.

2-Tan iyo markii ay barbaro 0-0 ah ku galeen garoonka Camp Nou 2002dii, labadaan koox ayaa ugu yaraan gool iska dhalinayey mid kasta oo kamid ah kulamadaas,Tan iyo markaas waxay shabaqooda gaarsiiyeen 152 gool,46 kulan oo ay wada ciyaareen,tani waxay abuuri kartaa rajo ah in labadaan koox ay ciyaartan gool iska dhalinayaan.

3-Ma aysan kaliya ku dagaalamin garoonka, laakiin sidoo kale waxay si joogto ah ugu tartamayeen ciyaartoyda suuqa kala iibsiga. Waxaa jira dhacdooyin dhowaan jirey  sida Neymar, Andre Gomes iyo Dani Ceballos oo ay labadaan koox ay doonayeen in ay soo qaatan, laakiin dagaalkii ugu caansanaa ee suuqa kala iibsiga wuxuu ahaa Alfredo Di Stefano. Real Madrid ayaa ku soo baxday kaalinta ugu sareysa,isaga oo ugu danbeyn kula guulesytay shan koob oo Yurub ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan