Home / Cayaaro / Seddex koox oo Arsenal kula tartmaya saxiixa Ceballos

Seddex koox oo Arsenal kula tartmaya saxiixa Ceballos

Himilo – Arsenal ayaa la kulmeysa tartan adag oo ku saabsan dadaalka ay ku dooneyso saxiixa khadka dhexe ee Real Madrid Dani Ceballos.

Xilli cayaaryahanka Spain uu keliya wakhti yar u cayaaray Gunners kahor fiditaanka Karoona haddana 23 jirka ayaa noqday mid kamid ah laacibiinta uu xiiseeyo Mikel Arteta.

Inkasta oo Ceballos aan laga xiiseyneyn Bernabeu haddana waxaa jira kara wadahadallo ay yeelanayaan labada dhinac.

Si kasta, sida laga soo xigtay The Express, AC Milan, Valencia iyo Real Betis ayaa ayaa dhammaan isha ku haya cayaaryahanka ammaahda ku jooga Arsenal.

Qandaraaska Ceballos ee kooxda La Liga ayaa waxaa ka haray seddex sanno.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan