Home / Cayaaro / Seddex koox oo xiiseynaya Ainsley Maitland-Niles

Seddex koox oo xiiseynaya Ainsley Maitland-Niles

Himilo – Cayaaryahanka kooxda Arsenal ee Ainsley Maitland-Niles ayaa la soo warinayaa in ay doonayaan seddex koox xilli warar badan ka soo baxayaan mustaqbalka laacibka Ingiriiska ah.

22 jirka ayaa sameeyay bandhig wanaagsan dhammaadkii xilli cayaareedka 2019-20 iyada oo tababare Mikel Arteta uu doonayo in uu cayaaryahanka ku sii hayo garoonka Emirates.

Si kasta, sida laga soo xigtay The Sun, kooxda tababare Mikel Arteta ayaa dooneysa inay iibiso laacibka si ay lacag uga sameyso heshiiskiisa taasi oo sahli karta in kooxda u dhaqaaqdo saxiixyo cusub.

Kooxaha xiiseynaya laacibka da’da yar waxaa kamid ah Tottenham Hotspur, Brighton & Hove Albion iyo Everton.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan