Himilo – Panta Petrovic gu’gii 20aad ayuu ku hoos nool yahay dhagax ku taalla dusha sare buurta Stara Planina oo dhacda koonfurta Serbia.
Jiridda cudurka COVID-19 wuxuu ogaaday sannadkii la soo dhaafay mar uu dukaameysi u tagay tuulada degaanka ee Pirot. Wuxuu intaa ku daray in cudurka haddiii uusan iska tallaalin inuusan ku dhaafeynin codkiisa.
Sharraxaad kadib markii uu fahmay safmareenka wuxuu go’aansaday inuu qaato tallaalka Karoona – kaas oo xoojiya difaaca qofka. Sababta uu cidlada isugu go’doomiyay wuxuu ku sheegay in magaalada uusan xorriyad iyo nasiino ku dareemi jirin markii uu degganaa.
“Waxaa jiray caqabado, qof ayaad murmeysaan, booliska ayaad is qabaneysaan ama waxaad isku dhacaysaan deriska, balse halkan qofna ima dhibayo.” Panta ayaa sidaas u sheegay AFP.
70 jirkan inta uusan u guurin godka uu ku hoydo wuxuu ka xoogsan jiray magaalada. Hadda wakhtigiisa ugu badan wuxuu geliyaa raadinta quud maalmeedka. Wuxuu ka kalluumeystaa dooxo degaanka ah.
Dhammaan wixii uu lacag haystay markii uu go’aankan qaatay, wuxuu ugu deeqay bulshada oo loogu dhisay saddex buundo. Wuxuu sheegay lacagtu inay dadka bi’iso. Wuxuu intaa raaciyay siday dadka kharribto in wax kale uusan u galin.
cheap cialis online canadian pharmacy 45USD ml Paclitaxel 30 mg 5 ml vial 3