Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa Garka loo geliyey 3 Cayaarood oo ganaax ah kadib Markii Xiriirka FA ga England ku helay in uu si ula kac ah Xusul ugu dhiftay daafaca West Ham United ee Winston Reid kulankii ugu dambeeyey ee Horyaalka England ee ay wada dheeleen Kooxaha Man City iyo West Ham.
Sergio Aguero ayaa Manchester City ka mqanaan doona Sadexda kulan ee ugu soo horeysa ee ay kooxdiisu lakala dheeli doonto Manchester United Bournemouth iyo Swansea City oo ay ladheeli doonaan kulan katirsan Wareega 3 aad ee koobka League Cup.
Cayaaryahanka dalka Argentina ayaa ah Weeraryahanka ugu fiican ee Manchester City 3 Gool ayuuna ui dhaliyey Naadigiisa Sadexda Cayaarood ee la dheeley Horyaalka waxaana laganaaxay Markii Gudiga Anshaxa ee FA ga dalka England diideen Racfaan Man City ka qaadatay dacwadii lagu soo oogey ee ahayd in uu Xusul ku dhiftay Winston Reid Waxaana Cayaaraha uu maqnaan doono ugu adag Kulanka darbiga ah ee labada Manchester kaas oo dhici doona 10 ka bishaan.