Home / Madadaalo / Serif Velic: Ninka aaska u sameeyay gurigiisii burburay

Serif Velic: Ninka aaska u sameeyay gurigiisii burburay

Himilo – Serif Velic, oo kasoo jeeda muslimiinta Bosnia waxa uu ahaa shaqaale warshad biraha soo saarta, markii uu guri yar oo uu ku noolaado ka dhistay xaafadiisii Kevljani sanadkii 1974-kii.

Nasiib darrase gurigiisii waxa uu ka mid noqday kumanaan aqal oo dhulka lagu daray intii uu socday xasuuqii Bosnia, isaga iyo qoyskiisana waa ay qaxeen.

Markii uu dib ugu laabtay sanadkii 2001-dii xaafadiisii Kevljani, ayuu arkay xaaladda gurigiisa. Kadib muxuu sameeyay?

“Waxaan go’aansaday inaan lacag uruuriyo si aan aas ugu sameeyo gurigeyga” ayuu Velic u sheegay wakaaladda warar Anadolu.

Halka laga burburiyay gurigiisa ayuu ka qoday god dheer, isaga oo ku aasay dhammaan haraadigii burburka.

Kadibna waxa uu goobtaasi ka dhisay dhagax summad ah, markaas oo uu ku dhul qoray oraahdan: “Jaceylku waxbuu dhisaa Naceybkana wax buu burburiyaa”.

“Wax waliba oo aan ku dhisay gurigaasi waxey ahaayeen xalaal laakiinse dad ayaa iga burburiyay iyaga oo aan u fiirsan”, ayuu yiri Serif Velic.

Xilliyada qaar ayuu booqdaa si uu usoo xusuusto noloshiisii 1990s-yadii.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan