Home / Macluumaad / Shabakadda Twitter oo joojinaysa xarfaha xaddidan kolka wax la dhigayo mareegtaa

Shabakadda Twitter oo joojinaysa xarfaha xaddidan kolka wax la dhigayo mareegtaa

Warbixin laga sii daayay Tvga Bloomberg ayaa lagu sheegay in shabakadda Twitter ay ka tala baxeyso xarfaha xaddidan ee aan ka badneyn 140ka xaraf ee loo ogolyahay qofku inoo qoro marka uu wax dhigayo Shabakadda Twitterka.

Isbadalkan ayaa sida Bloomberg uu tilmaamayo waxaa la fulin doonaa labada toddobaad ee soo socda laakiinse wax faalo ah lagama hayo Shabakadda twitter oo warkan uu quseeyo.

Bishii January aasaasaha Shabakada Twitter Jack Dorsey ayaa ka dhawaajiyay in shabakaddu ay soo saari doonto qaabab dadka isticmaala loogu ogolaanayo inay qoraal badan ku sameyn karaan.

Tan iyo markii shabakadda la bilaabay 2006dii, ayaa dadka adeegsada waxa ay ku xadidanyihiin marka ay damacsanyihiin inay qoraal dhigaan inaysan qori karin inka badan 140 xaraf taasi oo dad badan ay u arkeen caqabad balse aasaasaha Shabakadaasi Mr Dorsey ayaa qiil uga dhigay arrintaasi inay tahay mid keenaysa hal abuurnimo ku saabsan qoraalka gaaban.

Si walba oo ay ahaato, Shabakadda Twitter oo bulshadu ay ku xiriirto ayaa soo jiidatay macaamiil badan oo ku xirma inkastoo saamiga shirkadda uu hoos u dhacay 70% sanadkii hore.

Bishii June ee tagtay, Twitter ayaa shaaciyay inuu kordhinayo tirada xarfaha fariimaha tooska ah ee qof ka qof iyadoo laga dhigayo 10.000 oo xaraf.

Bishii January ayaa Shabakadda Sina Weibo oo sida twitterka oo kale ah waxa ay meesha ka saartay xarfaha xaddidan ee 140ka xaraf oo dadka isticmaala ay ku dhib qabaan marka ay doonayaan inay wax dhigaan, shabakadaasi waxaa laga isticmaalaa Shiinaha .

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan