Home / Cayaaro / Shakira oo Gurigeeda darbiyo ku kordhisay si ay uga hortagto…

Shakira oo Gurigeeda darbiyo ku kordhisay si ay uga hortagto…

Himilo – Xiddigadda Reer Colombia ee Shakira ayaa darbi ku darday Gurigeeda si aysan xubnaha qoyska Gerard Piqué iyo waaliddiintiisuba aysan u gelin gurigeeda.

Xiriirka laba lamaane ayaa soo dhamaaday bishii la soo dhaafay markii ay shaaciyeen soo afjaridda xiriirkii 12ka sano ee ay ku dhasheen labada wiil.

Gerard Piqué, ayaa warbaahinta uga digay in ay buunbuuniyaan kala taggooda iyo In ay wax ka sheegaan iyaga oo ku gooddiyay in ay maxkamad la tagayaan ciddii ka been abuurta.

Shakira ayaa sheegtay in ay dhibsatay waaliddiinta daafaca Barcelona ee  Gerard Piqué, oo aan ka baxeyn guriga qeybta ay ka deggantahay taas oo ay sheegtay in ay ku qasabtay dhismaha darbi kala dhantaala.

Dhismaha oo ka kooban saddex Guri ayaa ku yaalla xaafadda Esplugues de Llobregat, ee Magaalada Barcelona,waxaana Shakira ay dooneysaa in Gurigeeda aysan booqan waaliddiinta xubnaha kale ee qoyska Pique.

Lamaanaha ayaa kala tagay markii Shakira shaacisay in uu ku qiyaamay  jacayl cusub oo uu qarsanayay,maaddaama aysan isguursan oo ay kaliya saaxiibo ahaayeenna waxaa ay shaaciyeen in ay soo afjareen wada noolaanshahoodii 12 jirsaday.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan