Home / Arrimaha Bulshada / Shaqaalaha guryaha dhisa oo rusqeyn shaqo kala kulmaya wiishash

Shaqaalaha guryaha dhisa oo rusqeyn shaqo kala kulmaya wiishash

Himilo –  Ragga muruq maalka ah ee ka shaqeeya dhisidda dabaqyada Muqdisho ayaa ka cabanaya tiknolojiyadda dhismaha loo adeegsado oo ay sheegeen inay hoos u dhigtay fursadda ay shaqo ku heli karaan.

Noloshooda waxay ku tiirsaneyd lacagta maalinlaha ah ee ay ka heli jireen hawsha xoogsiga dhismaha daaraha. Qaarkood waxaa ku adkaaday helidda cunno ku filan iyo inay iska bixiyaan kirada guryaha.

Dhisidda dabaqyada waxay loo qaadan jiray shaqaale fara badan kuwaas oo nolol maalmeedka reerahooda ka heli jiray mudada ay hawshu socoto.

Dhammeynta dabaqyada qaar waxay waxay qaadan jirtay bilooyin, tani waxay fursad weyn u aheyd dadka muruq maalka oo si joogto ah ugu shaqo tagi jiray.

Sanadihii dambe waxaa soo kordhayay helidda noocyada kala duwan ee qalabka dhismaha. Hadda dhismaha dabaqyada magaalada waxaa loo qaataa shaqaalo kooban oo ay tiknolojiyaddu ka saaciddo hawlaha sida qasidda shamiitada iyo saarideeda dabaqa.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan