Muqdisho – Zhao Yongjiu, oo ah 56-jir shaqaale nadaafadeed ah oo ku nool Shenyang, China, ayaa dhawaan ku guuleystay internet-ka kadib markii la shaaciyay in – 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay – uu wax-barashada ka caawiyay 37 carruur aan helin cid lacagta dugsiyada ka bixisa; isaga oo bil walba mushaharkiisa kaga jari jiray qoondada tacliintooda.
Maalin kasta samafalahan naxariista leh ee katirsan shaqaalaha nadaafadda iyo bilicda deegaanka uu ku nool yahay ee Shenyang wuxuu soo kacaa hiirta hore aroor kasta isaga oo shaqada ku jira ilaa iyo saddaxda habeennimo.
Wuxuu helaa mushahar dhan 350$ taas oo celcelis ahaan ku filan maareynta noloshiisa, hayeeshe wuxuu go’aansaday inuu in yar kaga noolaado si uu inta badan wax ugu qabto ardayda aan helin cid ka caawisa lacagta wax-barashada.
Ilmuhu waxay awoodeen inay aadaan dugsiyada oo ay helaan wax-barasho ku filan. Wuxuu falkani sameynayay 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay mana qorsheynayo inuu joojiyo goor dhow iyo goor kale toona.
Zhao ayaa qiyaasay celceliska deeqda uu ku bixiyay wax-barashada carruurtan saboolka ah oo tiradoodu dhan tahay 37 inay ku dhowdahay 24,750$.