Home / Macluumaad / Shaqo la’aanta – Musiibada ku dahsoon Bulshadeenna!

Shaqo la’aanta – Musiibada ku dahsoon Bulshadeenna!

Muqdisho – Ma ahan oo kaliya gaajada, macluusha, musuqmaasuq iyo aqoon-darrida mowduucyada kaliya ee Afrika si gaar ah looga weriyo. Xittaa marka ay soo baxaan jiil wax-bartay, fursadda ay dib ugu celin karaan aqoontooda bulshada ay ka dhasheen ayaa kamid ah dhibaatooyinka sida hoose aan looga hadlin. Mana ahan dhib kale ee waa shaqo la’aanta heysta dhalinyaro badan oo qaaradda Afrika ku nool. Soomaaliduna waxay kamid tahay umadahaas.

Shaqo la’aanta ka jirta meelo badan oo dunida kamid ah waxay ku noqotay dhibaato aan dhamaad laheyn siiba dalalka soo koraya iyo dunida saddexaad.

Dalalka leh da’yar tiro badan kuwaas oo aan maareynin buuxinta fursadaha waqtiyaysan ee dhalinyaradoodu heystaan ayaa ah kuwo ugu walwalka badan ee mushkiladan la daala-dhacaya. Warka dhiilada ee taasi kasii murugada badan waa in 50% da’yarta ka qalin-jebisa Jaamacadaha waxay la’yihiin shaqooyin, marka loo eego xog ay qortay sanadkii hore Xarunta is-beddelka dhaqalaha Afrika ee ACET.

Nasiib-darro, dadka shaqeeya badigood waxay celcelis ahaan helaan dakhli dhan 2$ maalintiiba taas oo laftigeed u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Soomaaliya oo kamid ah kuwo kheyraad u helay xoog dhalinyaro oo aan tiro yarayn, waxay da’yarteedu ku sugan yihiin xaalado aan fadhin oo mararka qaaar xittaa ku sababa inay iskaga hayaamaan dalka. Taniyo markii dalku xurnimadiisa qaatay, shaqo la’aantu waxay ahayd dhibaato soo taagan, hayeeshe waxay u kala duwaneyd xaaladaha hadba lagu sugan yahay.

Xilligii xukuumadda Kacaanka ayaa la dhihi karaa waa waqtigii ugu fiicnaa oo jiilka wax-bartay iyo muwaadiniinta kalaba ay heli kareen shaqooyin kala duwan. Burburkiii dalka, si kastaba, shaqo la’aantu waxay ahayd baahi hadiyo jeer loo madlanaa balse aan helin meel lagu gorfeeyo. Jiritaanka xaalado adag oo dhinaca nolosha ah iyo la’aanta nidaam dowli ah oo dib usoo celiya kaabayaasha kala duwan ayaa ka dhigtay in jiil badan aysan helin shaqo ay ku maareeyaan noloshooda.

Taasi waxay qeyb ahaan la timid dhibaatooyin bulsho oo ilaa hadda aan helin jawaabihii loo baahnaa in lagu xaliyo. Tahriibku waa qeyb kamid ah fal-celinta dhalinyaradu ku baadi-goobaan doonistooda la xiriirta helidda shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda. Dib marka loo sii daba-galo wixii ku baxay tahriibka – naf iyo maalba – waxay ku filan tahay inaan tallaab muuqata kaga hortagno. Inaan la ogolaan in jiil kale oo da’yar ah aysan badaha ugu le’an, waddada ugu muhiimsan waa in shaqooyin loo abuuro.

Da’yartu waa mashiinka lagu dhaqaaqiyo qorshaha horumarineed ee dal ku taamayo hiigsigiisa. Danny Kaye ayaa wuxuu leeyahay kheyraadka dabiiciga ah ee ugu weyn oo waddan heysan karaa waa ubadkiisa.

Marka dib loo raaco taariikhda, marna madhicin in dhalinyaro la’aan lagu guuleysto natiijada ugu sarreeya ee ilbaxnimada nolosha. Mana dhicin bilaa shaqo ay umaduhu si raaxa leh u tiigsadeen baraarahooda. Balse dunida waxaa soo maray xadaarooyin ay dhaliyeen dhalinyaro geyfan oo helay fursad ay ku lisaan gaaxda aqoontooda iyo tamarta xoogooda.

Toyn B oo kamid ah taariikhyahannada reer Galbeedka ayaa wuxuu leeyahay cadawga ugu weyn ee khadaaradda iyo dhalinteeda waa raaxada. Haddii umaduhu ku qancaan inaysan lur isku saarin ka mira-dhalinta ilbaxnimo cusub iyo horumar lagu barwaaqeysto waa qasab ah in laga kaco fadhiga. Waddada kaliya ee taas lagu gaari karo ayaana ah in jiilka wax la baro kadibna la siiyo meel ay ku howl-geliyaan gaaxdooda.

Dal dowladdiisu ahmiyad weyn aysan siinin helidda jawaab ka dhan ah mushkiladda shaqo la’aanta, la yaab malahan in dhalinyaradeedu ay meel cidlo ah ku lumiyaan xoogga iyo gaaxda ku keydsan maskaxdooda.

Ogaalka in shaqo la’aantu ay sees u noqon karto dhibaatooyin badan oo bulshada araxda ka jebinaya kaliya uma baahna ku baraarugsanaan. Dowladda iyo xarumaha ama hey’adaha gaarka loo leeyahay waa inay iskaga yimaadaan xalinteeda. Waana talada ACET ay soo jeedisay.

Balse inta taas laga helayo dhibta shaqo la’aantu waxay baal madow iyo boog aan la biskoon ku noqon doontaa taariikhdeenna.

Qore: Mahad Maxamed Cali.

Kala xiriir: farriin-danabeed; mahat335@gmail.com.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan