Home / Habka-Nolosha / Shaw oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee Manchester United

Shaw oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee Manchester United

Daafaca danbeedka bidxeed ee Manchester United  Luke Shaw ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee Red Devils isagoo goortii u horeysay ka hoos shaqeeyay Jose Mourinho.

Inbadan oo xagaagii tegay kamid ah xiddigan ayaa dhaawac ku seegay kaddib kolkii uu laba goor lug ka dhaawacmay kulan Champions League ka tirsanaa oo ay Netherland kula cayaareen kooxda PSV Eindhoven.

Dhammaadkii xagaaga tababar fudud ayuu bilaabay xiddigan reer Ingiriis, hayeeshee wuxuu markaan si toos ah uga qeyb galay tababarkii u horeeyay ee macallin Mourinho.

Mareegtiisa Twitterka ayuuna laacibkan ku baahiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ku soo laabto tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Shaw ayaa la filayaa inuu kamid noqdo shaxda United ee Wigan Athletic ka hortagi doonta 16 July, kulamadda la isugu diyaarinayo xagaaga soo aadan.

Kaddib kulankaa Manchester United ayaa u duuli doonta Shiinaha iyadoo 22 July la cayaari doonta Borussia Dortmund, saddex cisho kaddibna kulankaa ay ku dhici doonaan Manchester City.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan