Home / Madadaalo / Sheekada ‘Angus Barberi’ oo aan waxba cunin 382 maalmood!

Sheekada ‘Angus Barberi’ oo aan waxba cunin 382 maalmood!

Himilo FM – Sheekooyinka cunna ka soomidda sannad wax ka badan waxay u eg tahay kuwo aan sal adag laheyn, balse kaydka joornaal caafimaad oo hore waxaa laga helay xaqiiqada nin aan waxba cunin 382 maalin!

Xogtan waxaa la daabacay sannadkii 1973-dii, 27 jir aad u cuslaa kana soo jeeday Scotland waxa uu cunnada iska joojiyay 382 maalmood si uu u dhimo miisaankiisa.

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta iskuulka daawada ee Jaamacadda Dundee miisaankiisa waxa uu ahaa ka hor inta uusan go’aanka qaadan 206 kg, balse Soon dheer kaddib waxa uu noqday 81 kg.

“ Sannado ka hor waxaa jiray wiil dhallinyaro ah oo miisaan culus, waxa uu go’aansaday inuu iskii isku daweeyo. Bilowgii hadaf dheer kama laheyn, hase ahaatee kolkii dambe ayuu la qabsaday ilaa uu diwaanka ku galay qofkii ugu soonka dheeraa,” sidaas dhakhaatiirta ayaa ku qoray joornaalka

Angus Barberi intii uu soonka waday wuxuu si joogto ah u booqan jiray isbitaalka si loo hubiyo dhiigiisa, nasiib wanaag qorshahiisa ayaa u dhaqan galay isagoo caafimaad qaba.

Seysinyahan reer Australian ah oo lagu magacaabo Dr.Karl Kruszelnick, ayaa dhacdadaan sharaxay waxa uu sheegay in Angus uu dheef ahaan ugu baxsaday jirkiisa cayilkii hore.

“Labo ama seddex maalin soonka kaddib tamarteena waxay ka timaadaan cayilka, murqaha waxay u kala burburaan labo kala madax bannaan kuwaa oo qofka sii hayn kara ilaa ay ka dhamaadaan,” sidaa waxaa yiri Kruszelnick.

Sida laga soo xigtay Chicago Tribune report, Barberi waxa uu cunnada dib u bilaabay kaddib 382 maalin, waxa uu hilmaamay dhadhanka cuntada.


About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan