Home / Habka-Nolosha / Sheekada Askarigii xanbaaray xaajigii waayeelka ahaa!

Sheekada Askarigii xanbaaray xaajigii waayeelka ahaa!

Himilo –Majed Ali Al-Hakami, oo kamid ah ilaalada xajka kaas oo sawir uu xanbaarsan yahay xaaji waayeel ku baahay baraha bulshada, ayaa sheegay in diinta Islaamka iyo dadnimada insaaniyadda ay yihiin labada dhiirri-geliye ee ka dhigay caawiye dhab ah.

al-Hakami wuxuu yiri; ‘Waa waajib na wada saaran ka ilaalada xajka ahaan. Waana inaan dusha u ridan karnaa qancinta iyo u raaxeynta martida Eebbe.”

“Markii aan halkan ka howl-galeynay waxaan maanka ku heynay inaysan jirin fursad aan ku nasan karno haddii ay jirto waddo xujeydu noojinaysa.”

Isaga oo ka hadlaya sheekada sawirka, wuxuu yiri; “Waxaan arkay waayeelka oo xanuun daran la socon la’. Markii aan la hadlayna, ma aanan fahmi karin afka Urduuga oo uu ku hadlayay. Laakiin waxaan madaxa uga shubay biyo qabow. Waxaana intaas kaddib dareemay inaysan taasi ku filneyn. Waana markii aan isaga oo dhan xanbaarsaday si aan u geeyo goobta caafimaad ee ugu dhow.”

“Waxaan dareemay raxmad iyo barako,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya al-Arabiya.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan