Home / Arrimaha Bulshada / Sheekada bisadaha guryaha guba!

Sheekada bisadaha guryaha guba!

Himilo – Saddexdii sano ee la soo dhaafay bisado ayaa dab qabad siiyay  in ka badan boqol guri oo ku yaallay Koofurta Kuuriya.

Masuuliyiinta waaxda ka hortagta dabka iyo musiibooyinka ee caasimadda Seoul ayaa dadka leh bisadaha digniin siiyay.

Boqol iyo toddobo guri oo uu dab baabi’iyay intii u dhaxeysay 2019 iyo 2021, waxaa gubay bisadaha dadka la nool.

Waxaa la rumeysan yahay inay bisaduhu lugaha ku daareen shooladaha yaallay jikooyinka guryaha gubtay. Kiisaska ugu badan waxay dhaceen xilli milkiilayaasha ay ka maqnaayeen aqalada.

Warbixinada la xiriira bisadaha wax guba way sii kordhayaan. dadka leh waxaa lagula taliyay inay dareen dheeraad ah u yeeshaan khatarta dabka. Burburka guryaha waxaa dheer dhaawacyo ka dhashay dabka ay kiciyeen bisadaha ee ilaa afar qof waxyeelleeyay.

Waddamada kale ee ay dhacdooyinka ka dhacaan waxaa ka mid ah Mareykanka. Ururka American Humane Association ayaa sheegay in sannadkii ay bisaduhu dalkaas ku gubaan ugu yuaraan kun guri.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan