Sheekada: Ey dhaxal u helaya 5 milyan oo Doollar

Himilo – Ey siddeed jir ah ayaa baraha bulshada ka abuuray guux kaddib markii uu dhaxal u helay $ 5 milyan. Hantidaas waxaa  lahaa milkiilihii eyga oo dhawaad dhintay.

Lulu oo ah eryga dhaxalkan nasiibka u yeeshay  wuxuu ku noolaan doonaa inta u harsan nolol uu heli doono daryeel dheeraad ah oo wax walba leh.

Bill Dorris, wuxuu ahaa hantiile ku dhintay da’da 84 jir, ka hor geeridiisa ayuu ku dardaarmay in maal-kiisa lagu wareejiyo eygiisa oo uu aad u jeclaa.

Daryeelka iyo masuuliyadda Eyga hadda waxaa gacanta ku hayn doonta Martha Burton oo ah haweeneyd deris la aheyd ninkii lahaa oo aan ka tagin wax carruur ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan