Home / Habka-Nolosha / Sheekada lamaanaha ugu da’da weyn caalamka oo wadajir u noolaa 214 sanno
Julio Mora Tapia, 110-years-old and his wife Waldramina Quinteros, 104-years old, posse for a photo at their house, in Quito, Ecuador, Friday, Aug. 28, 2020.They have entered the Guinness World Records books as the oldest married couple in the world, after being together for 79 years. Guinness World Records has recognized them as the oldest married couple because of their ages, not because they have been married for eight decades. (AP Photo/Dolores Ochoa)

Sheekada lamaanaha ugu da’da weyn caalamka oo wadajir u noolaa 214 sanno

Himilo – Julio Mora iyo Waldramina Quinteros ayaa muddo dheer wada ahaa lamaane wada nool marka loo eego dadka kale marka laga hadlayo xagga nolosha.

Da’diisu waa  110 halka iyaduna tahay 104 sanno waxaana lagu daray keydka dhacdooyinka dunida ee Guinness World Record kaddib markii loo diiwaan geliyay in ay yihiin lamaanihii ugu weynaa ee is guursada.

Mr Mora ayaa dhashay 10 March 1910 halka marwadiisa Quinteros iyaduna dhalatay  16 October 1915, marka la isku daro da’da lamaanahan u dhashay Ecuador ayaa ka dhigaysa in ay wada noolaayeen 215 sanno. Lamaanuhu waxay markoodii ugu horreysay is guursadeen sannadkii 1941-kii.

“Marnaba isma aan furin, xittaa ma aysan jirin wax intaa lamid ah, Innagu kama fikirin wax ku saabsan arrinkaasi;” ayay tiri Quinteros.

Labaduba waxay ahaayeen barayaal goor sii horreysay ka fariistay shaqadooda, waxayna hadda ku nool yihiin caasimadda Ecuador ee Quito.

Horey rikoorkan waxaa u heystay Charlotte iyo John Henderson, kuwaasi oo dib isu guursaday iyaga oo da’doodu tahay isku dar 212 sanno iyo 52 maalmood.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan