Home / Arrimaha Bulshada / Sheekada lammaane is qabay 24 sano oo aroos dib loogu dhigay
Lammaane

Sheekada lammaane is qabay 24 sano oo aroos dib loogu dhigay

Himilo – Rosalyn Ferreriyo iyo Rommel Basco, waa lammaane ku jira da’da kontomeeyada waxay haystaan lix carruur ah. 24 sano ayay wada noolaayeen hoy la’aan.

Maadaama ay ahaayeen danyar uma suura gelin inay xaflad aroos dhigtaan guurkoodii waxay ku noolaayeen guri buush ah oo ku yaala dhul qashin qub ah oo ku yaala dalka Philippine.

Helidda quud maalmeedka maalinlaha ah ayay xoogga saari jireen. Iyagoo baco qashin ka aruurinaya waxaa la kulmay timo jare lagu magacaabo Richard Strandz.

Markii uu la sheekeystay wuxuu go’aansaday inuu qaban-qaabiyo xafladda lammaanahan waayaha adag ku jiray ka caawisay inay helaan warqad rasmi ah oo guurkooda caddeynaysa.

Hooyada aroosadda mar kale noqotay ayaa sheegtay inay ku fikiri jirat inay maalin xirato dharka cad ee arooska balse waxay sheegtay inay mar hore ka baxday filashadaas.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan