Home / Macluumaad / Sheekada Mohamed Bzeek – Xanaaneeyaha Carruurta laga quustay noloshooda!

Sheekada Mohamed Bzeek – Xanaaneeyaha Carruurta laga quustay noloshooda!

California – Mohamed Bzeek, oo ah 62-jir Muslim ah oo ku nool California ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu waqtigiisa ku bixiyay xanaanada carruurta maskaxda ka xanuunsan kuwaas oo laga dayacay daryeelkii ay ku lahaayeen habka xanaaneynta – isaga oo waqtiga cimrigooda gaaban kula qaata isbitaallada dowladda. Wuxuuna ka helay waaya’aragnimo jaceyl, rajo iyo qosol isugu jirta.

In ku dhow 600 oo kamid ah 35,000 oo carruurta qaba cudurka oo waaxda Los Angeles laga diiwaan-geliyay waxaysan helin daryeelkii waalidkooda. Waxaa jirta baahi quus ku dhow oo carruurtani guryahooda u qabaan, hayeeshe ilaa iyo hadda, Mohamed Bzeek waa daryeelaha kaliya ee waqtigooda la qaata.

“Haddii qof ina soo wacayo naguna yiraahdo: ‘cunugani wuxuu u baahan yahay gurya-noqod,’ waxaa jira hal qof aan ka fikirno,” Melissa Testerman, oo ah socodsiiyaha xarun kamid ah goobaha lagu xanaaneeyo carruurtan ayaa tiri. “Waa qofka kaliya kaas oo ogol inuu qaato cunug aan in badan sii samata-bixi doonin.”

Bzeek wuxuu California uga yimid dalka Libya sanadkii 1978-kii isaga oo arday ah, sanadkii 1987-kii wuxuu la kulmay haweeney la yiraahdo Dawn taas oo uu ugu danbeyntii guursaday. Waxay bilwoday xanaaneynta ubadkan 80-meeyadii. Gurigeeduna wuxuu gabaad u ahaa hoy-gelinta degdegga ah ee carruurtan. Sanadkii 1989-kii kadib markii ay is guursadeen, labaduba waxay go’aansadeen inay noloshooda u hibeeyaan caawinta carruurta ugu baahida badan ilmaha.

Bzeek wuxuu kusii socday caawinta ilmaha sanado badan. Waxay fureen fasallo lagu bixiyo casharrada la xiriira sida loo xanaaneeyo carruurtan oo kale. Dawn waxay waqti badan gelisay sidii carruurtan loogu baraarugsanaan lahaa xaaladdooda. Waxayna noqotay mid kamid ah hooyooyinkii ugu naxariista badnaa ilmahan.

Lammaanuhu waxay lumiyeen cunugii ugu horreeyey oo cudurkan ku dhasha sanadkii 1991-kii, tiiraanyadanina way saameysay. 90-meeyadii waxay go’aansadeen inay diiradda saaraan daryeelka carruurtan oo kaliya maadaama qof kale uusan dooneyn xanaaneyntooda.

“Ujeeddadu waa inaad sida carruurtaada oo kale u jeclaato,” ayuu yiri. “Waan ogahay inay jiran yihiin. Waan la socdaa inay dhimanayaan. Waxaan rabaa in karaankayga aan wax u qabto: qadarkana Ilaahay uga haro.”

Mohamd

Sanadkii 1997-kii, lamaanuhu waxay isku dhaleen cunug loo bixiyay Aadam kaas oo ku dhashay xaalad aan dhameys ahayn. Wuxuu ahaa mid xittaa u nugul qabashada. Hadyaddaas uga timid xagga Eebe wuxuu ku aqbalay duuduub.

Sanadkii 2000, Dawn waxay noqotay bukaan socod kahor intii aysan geeriyoon sanadkii 2015-ka. kadibna dhimashadeeda, Bzeek wuxuu sheegay inay dabeecaddiisa ahayd sii joogteynta shaqadiisa. Hadda wuxuu xanaaneeyaa gabar 6-jir ah oo qabta cudurka: waa dhegool, indhool misana qabta xaalad aan maskaxdu ku sameyn karin horumar.

Sanadkii 2009-ka daryeelahani wuxuu noqday bukaan-jiif kahor inta uusan dagaal dheer la gelin cudurka laga calaamadeeyey ee Kansarka.

Mohamed waa xanaaneeye gaaroodi ah – waana jaceylkiisa iyo daryeelkiisa midda suura-gelisay in cunugtan oo la filayay in maalmo kooban ay samata-bixi doonto ay wali nolol ku heysto agtiisa. Wuxuu la qabsaday markii ay hal bil jirsatay.

abaalmarin

Dhammaan carruurta loo keenay waxaa toos looga soo diray isbitaallada waaweyn ee Los Angeles halkaas oo waalidiintii dhalay ay ka quusteen maadaama aysan la kulmi karin baahidooda.

“Waxaan helay carruurtan xanuunsan iyaga oo badigood aysan lahayn magac loogu yeero,” ayuu yiri. “Waxaan u bixiyay magac: marka ay dhimanayaan, waxaan hubsadaa in magacoodu ka haro. Lama hilmaami doono abid.”

Sheekada Mohamed waxay qaboojisay quluubta malaayiin qofood kuwaas oo jecleystay inay caawiyaan. 9-kii bilood ee lasoo dhaafay, kumaankun doolar oo deeq ah ayaa loo soo mariyay Sanduuqa GoFundMe Page.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan