Home / Aragtida Islamka / Sheekh Saleh Al-Shaiba oo ahaa ninkii hayay furaha Kacbada oo geeriyooday

Sheekh Saleh Al-Shaiba oo ahaa ninkii hayay furaha Kacbada oo geeriyooday

Himilo – Alle ha u naxariistee waxaa gowr dhow geeriyooday Sheekh Saleh Al-Shaiba oo ahaa ninkii hayay furaha Kacbada.

Salaadda Janaza ayaa salaadda subax kadib loogu tukaday Masjidka Xaramka, iyadoo lagu aasay Qabuuraha Al Mu’alla ee magaalada Makkah.

Sheikh Saleh Al- Shaiba waxa uu ku geeriyooday da’da 109-sanno. Waa qofkii 108-aad  eek a farcamay  Cuthmaan ibn Dalxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu u dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn.

Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada doctorate ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday Bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka.

Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sanndkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday.

Muqaal laga soo duubay sheekh Saleh al-Shaiba ayaa lagu soo bandhigay furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan