Home / Macluumaad / Shiinaha – Markay Geeduhu helaan Qadarinta ay mudan yihiin!

Shiinaha – Markay Geeduhu helaan Qadarinta ay mudan yihiin!

Muqdisho – Ardayda dugsiga magaalada Beijing ee Yucai High School waa inay aad u digtoonaadaan marka ay ku dhex ciyaarayaan gegida kubadda cagta. Taasina waa geed 100 sano jir ah oo ku dhex-yaal bartamihiisa.

Ka dhisidda garoon ciyaareed hareeraha geed weyn caqligu ma qaato, hayeeshe dugsiga Yucai lamid ma ahan dugsiyada kale ee Shiinaha oo doorashada u furan.

Yucai High School waxaa lagu soo warramayaa inuu ku hareeraysan yahay dhismayaal taariikhiga, tanina waxay aheyd meesha kaliya ee gegida ciyaareed loogu heli karo ardayda iskuulka.

Kahor intaan la dhisin garoonka, maamulka iskuulka ayaa dirsaday codsi ah in meel kale lagu tallaalo geedka, balse waxaa loo tilmaamay in geedku 100 sano jir yahay – loona arko Dhaxal Qaran.

In meel kale lagu tallaalo waxaa loo tix-gelinayay mid halis leh, sidaas darteed malaheyn doorasho ka baxsan inay gegida sameystaan.

Geedka waxaa la tilmaamayaa inuu yahay midka ugu cimriga dheer geedaha kale oo ku yaalla magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha.

In garoon uu ku dhex-yaalo geed aad ku ciyaarto ma ahan mid kula fudud, hayeeshe ardayda iskuulka Yucai way ku tababarteen. Ciyaaraha rasmiga ah ee iskuulka ayaa lagu qabtaa garoonka.

1 2 3 4

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan