Home / Dhaqaale / Shiinaha oo dhisay hoteelkii ugu horreeyay ee ku yaala dhulka hoostiisa

Shiinaha oo dhisay hoteelkii ugu horreeyay ee ku yaala dhulka hoostiisa

Waa hoteelkii ugu horreeyay ee laga dhiso dhulka hoostiisa, waxa uu ku siinayaa hurdo qoto dheer oo raaxo leh hase ahaatee waxaa kaaga baxaya kharash badan.

Hoteelkan oo loogu magac daray InterContinental Shanghai Wonderland ayaa laga dhisay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha, waxaana uu ka kooban yahay 18 dabaq oo dhulka hoostiisa ah iyo 16 dabaq oo la simman dhulka.

Mid kamid ah injineerada ugu sarreeya ee naqshadeeyay hoteelka Martin Yoqman ayaa ku sheegay tallaabada lagu dhiso hoteelka mid noloshiisa taabanaysa.

“Waxaan horay u naqshadeeyay dhismooyin badan laakiin dhismaha hoteelkan waa uu ka gedisan yahay, waxaan dhihi karaa ahmiyad gaar ah ayuu ii leeyahay,” ayuu yiri Martin.

Waxaa dhismaha InterContinental Shanghai Wonderland la bilaabay sanadkii 2006-dii, kharash dhan 288 milyan oo doolar ayaa ku baxday.

Immisa ayaa lagu jiifan karaa habeenkii hoteelka?

Hoteelkan oo ku dhaw garoonka Hongqiao Airport iyo beeraha Chenshan Botanic Gardens ayaa halkii habeen waxaa lagu jiifanayaa qiimo lacageed oo dhan 530 illaa 860 oo doolar.

Michael Croft oo ah u qaabilsane sare oo katirsan UNICEF ayaa ammaanay dhismaha hoteelka oo ka kooban 336 qol.

InterContinental Shanghai Wonderland waxa uu noqday hoteel soo jiidasho leh, waana hoteelkii ugu horreeyay ee qeyb ahaan ka dhisan dhulka hoostiisa. Waxaana la filayaa inuu kharashka ku baxay ku soo xarreeyo muddo kooban.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan