Himilo – Boliiska gobolka Hubei ee bartamaha Shiinaha ayaa gaaray magaalada Ezhou, si ay kaga jawaabaan qeyla dhaan kaga timid dadka degaanka.
Markii ay goobta gaareen ayey arkeen tuug feera qaawan oo saran daaqadda dhisme dabaq ah oo ka kooban lix biyaano, tuugii ayaa markii uu arkay boliiska ku hanjabay inuu isi soo tuuri doono haddii ay u dhawaadaan taas oo keentay in xoogaa laga fikiro sida tuugga loosoo dejin lahaa, sida uu daabacay warsidaha Globaltimes.
Cimilada oo aad u qabow darteed ayuu ka codsaday boliiska inay dhulka u dejiyaan, waxey ku caawiyeen xargo uu kusoo degto, markii uu dhulka yimid ayey isku dayay inuu baxsado, balse qabowga jira iyo isagga oo muddoo saarnaa daaqadda uma aysan suuragalin taasi.
Tuuggii ayaana ugu danbeyntii la qabtay oo loo kaxeeyay saldhigga iyada oo kiiskiisa baaris lagu wado.
Xilliyadan oo kale gobolka Hubei waxaa yaraada kiisaska ay ku lug leeyihiin tuugada darbiyada kaga dhacda guryaha, waxaana boliiska ay u sababeeyaan qabowga jira.