Home / Macluumaad / Shiishadda: Mid kamid ah khataraha ku foolan Bulshadeenna

Shiishadda: Mid kamid ah khataraha ku foolan Bulshadeenna

Muqdisho – Shiishaddu, waa dhuumo biyood loo isticmaalo in lagu dhuuqo tubaako lagu laray mirro sida: Tufaax, Qarre, Qunbe iyo wixii la mid ah. Magacyada kale ee Shiishadda waxaa ka mid ah: Hookah iyo Hubble-bubble. Shiishadda waxaa loo cabaa si koox ah, oo hal dhuun ayey wadaagaan tirro dad ah.

Nasiib darro, waayadaan dambe waxaa bulshadeena kusoo badaneyso isticmaalka Shiishadda ama Hookah hadba sida aad u taqaan. Dhallinyaro badan oo Somaaliyeed ayaa ku qaldantay.

Qaar ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa ku doodaya in Shiishaddu aysan caafimaadka dhib ku ahayn oo uu sigaarku ka khatar badan yahay.

Dad badan ayaa mooda in Shiishadu ka halis yartahay Sigaarka caadiga ah balse baaritaanno la sameeyay ayaa cadeeyay inay ka wax yeelo badantahay sigaarka

Halka dad kale ay ku dooddaan in Shiishada lagu darsan karo macmacaan balse baaritaanno cilmiyeed ayaa xaqiijiyay in mar kasta ay halistii sunta Carbon Monoxide iyo doroogooyinka kaleba aysan meesha ka baxayn.

Dhuxusha lagu shiddo, ama lagu qiiqiyo Shiishadda waxaa ku jiro sunta Carbon Monoxide. Carbon monoxide waa sun gaas ah oo aan dhadhan iyo carafba laheyn oo qofku waxyeelo baahsan oo caafimaad ah soo gaarsiin karta hadii uu neef ahaan u qaato. Sidoo kale, dhuxushaas lagu shido Shiishada waxaa ku jiro Kiimikooyin halis ku ah caafimaadka noolaha.

Waxay sababi kartaa Kaankaro kala gaddisan. Kaankarada ay Shiishaddu sababi karto waxaa ka mid ah kuwa ku dhaca Sambabka, Kaadi-heysta iyo Xubnaha hadalka.

Kaankarada waa cudur halis badan oo la tacaalid mooyee wali daawo rasmi ah aan loo hayn. Nuuca Sambabka ku dhacda waa midda loogu dhimasho badanyahay marka loo eego dunida.

Dhuunta laga dhuuqo Shiishadda ayaa ah mid dad badan ay wadaagaan, taasoo si fudud u horseedi karta cudduradda candhuufta lagu kala qaado sida Qaaxada. Sidoo kale carruurta ay dhalaan haweenka Shiishadda dhuuqo ayaa ah kuwa dhasha iyagoo ka miisaan hooseeya kuwa ay dhallaan haweenka aan isticmaalin.

Haddaba si ay kuugu bidhaanto khtarta caafimaad ee shiishadda, iyo sida balwadan ay u baa’bi’inayso mustaqbalka jiilka dhallinyarada ah waxa inoo ifinaya oo wariyaheenna Clhi Cali Daahir kala sheekeystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo bartay caafimaadka guud.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan