Home / Macluumaad / Shimbir labo qaaradood duulimaad ku martay
Fiidmeer/Kibilli

Shimbir labo qaaradood duulimaad ku martay

Himilo – Nooc ka mid ah shimbiraha kibilliyada ama fiidmeerta ayaa lagu soo bandhiyay magaalada Molgino oo ku taalla Russia.

Sannadkii 2016, waxaa lagu ogaa harada Bedfont oo ku taalla dalka UK, Halkaas oo farraanti lagu aqoonsado loogula xiray xilligaas.

Safarkeeda waxaa loo diiwaan geliyay inuu yahay kii ugu dheeraa abid ee kibilli ay ka sameyso UK iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Kooxda badbaadada xayawaanada ee Russia ayaa qabtay bishii la soo dhaafay balse nasiib darro wax yar kadib ayay nolol seegtay kadib markii ay bisad weerartay.

Madaxa daryeelka xayawaanada ayaa sheegay in safarkan uu ahaa mid cajiib ah, waxay fiidmeertan duulimaad ku goysay masaafe ka badan 1,200 oo mayl.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan