Home / Macluumaad / Shinbiro halistii ugu weyneyd ku haya bulshada ku nool gobal Maraykanka katirsan.

Shinbiro halistii ugu weyneyd ku haya bulshada ku nool gobal Maraykanka katirsan.

Muqdisho – Kadib markii laga soo taxaabay dhulka New England qarnigii 1800, shinbiraha loogu yeero Diik-roomi ama ‘Turkey’ luqadda Ingiriiska, waxay guulguul ku hayaan dadka magaalada Boston iyo guud ahaan gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka.

Shinbirahan oo mar kasoo if baxay keymaha waqooyiga bari ayaa hadda u muuqda kuwa isku soo baahinaya magaalooyinka Massachusetts halkaas oo sida caleemaha ay ugu bateen.

Laga soo bilaabo aqallada, xaafadaha iyo waddooyinka waaweyn ayay joogaan. Mararka qaar waxay hakad geliyaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxay eryadaan rabaayadaha qaar sida bisadaha, eeyaha, bakaylaha iyo wixii soo raaca. Kolkol waxay weeraraan dadka caadiga ah.

Labka shinbirahan ayaa si gaar ah u ah carcar. Kama xishoodaan inay humuujaan qof kasta oo jidka maraya. Umaba aqoonsana in dadku ay yihiin makhluuq kale oo ka duwan. Waxay ula dhaqmaan sida shinbiraha kale.

“Waa muhiim marka in la baro madaxdooda inaan nahay,” ayuu ku kaftamay mid kamid ah daganayaasha Boston.

Booliska Massachusetts ayaan caadiyan loo idmeyn inay magaalada ka saaraan shinbirahan, hayeeshe shan kamid ah 137 kiisas la xiriira weerarada shinbirahani ku hayaan bulshada, waxay keensatay in la toogto.

Sanadkii 2013-ka, waxay halis iyo qalalaaso ka dhaliyeen iskuul ay dhigtaan ilmo yaryar.

Cabashada laga qabo dhibaatada laga kulmo waxay soo jiitamaysay taniyo saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

“Waa rabshad-wadayaal. Sanad kasta way soo badanayaan,” ayuu yiri professor Tess Bundy.

Khabiirada noolaha ayaa eedda dusha uga tuuray dadweynaha, maadaama ay raashiinka uga tagaan bannaanada guryahooda. Shinbiraha oo iyaguna kasoo socdaalay masaafo dheer, waxay iskugu habar wacdaan inay ku noolaadaan meel ay ka heli karaan gabaad iyo cunno.

wild-turkeys-boston2-750x422 wild-turkeys-boston3-750x547

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan